Ganacsatada qaadka keenta Muqdisho oo go’aan xasaasi ah ku dhowaaqay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada Qaadka Miiroowga keenta ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay ku sheegeen iney joojinayaan qaadkii ay keeni jireen

Guddiga ganacsatada ee ku mideysan dalada Qaadka Miiroowga keenta ayaa sheegay inaysan magaalada qaad keeni doonin muddo laba maalin ah maadaama ay la kulmeen culeysyo is biirsaday.

Ugu horeyn guddiga waxay sheegeen inay u mahad celinayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay sheegeen inuu ka shaqeeyey dib u fasixida keenista qaadka maadaama ay horey u  joojisay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa tilmaamay inay dhibaato ka heysato siyaasiyiin iyo xildhibaano hore oo dalaaliin ah iyo qiimo koror lagu sameeyey canshuurta laga qaado qaadka iyo sidoo kale qiimo kordhin ay sameeyeen beeraleyda qaadka laga soo iibiyo.

Waxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbadeen inay la qaataan kulan si ay ugu soo bandhigaan dhibaatada agu hayo.

“Waxaan ka cabaneyna shaqsiyaad doonaya iney suuqa inagala baxaan oo ah siyaasiyiin iyo xildhibaano hore oo raadinaya shatiyo ganacsi, waxaa kaloo aan sheegaynaa inaan joojinay keenista qaadka mudo laba maalin ah, qiimo koror beeraleyda ay sameyen darteed, saddax maalin ayaan keenay qaadka waxaan ku bilawnay lacag dhan 800, haddana waxay mareysaa 1200 waana qiimo koror siyaado ah, waxaa noo sii dheer canshuur siyaado ah, waxaan madaxda ka dalbaneyna in arrintaasi wax ka qabtaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada qaadka miiroowga keenta.

Guddiga waxay sidoo kale sheegeen in qarashaadka beeraleyda qaadka ay kordhiyeen iyo suuqa Muqdisho oo dhaqaale xumo la daalaan dhacaya aysan aheyn kuwa is kaafin kara saas darteed shaqo joojintooda ay soo dadajisay,.

Seddexdii maalin ee uu Qaadka kenya laga keenay imaanayey Muqdisho ayaa waxaa suuqyada lagu kala iibsanayey qiimo aad uga badan qiimihii horey loogu iibsan jiray, waxaana aad uga raqiisan midka laga keeno dalka Itoobiya.