KHATAR AAN MUUQAN – La safo ama ka safo dalka aad xuduudda wadaagtaan

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisii toddobaad, tan iyo markii dib loo doortay, ku tegay Axaddii July 24, 2022 dalka Masar. Madaxweynaha Masar Cabdel-Fattax al-Sisi oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka hadleen ayna isku afgarteen in buuxinta biyaxireenka uusan noqon karin mid HAL DHINAC keliya uu go’aansado. 

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Sisi waxuu ahaa hadal guud oo uu kaga ashtakoonayo in Itoobbiya buuxiso harada iyadoo aan lagala tashan si loo hubiyo inaan waxyeello loo geysan dalalka xiga dhanka uu ku dhammaado webiga – Masar iyo Suudaan (riparian countries). 

Biyaxireennada waxay kala leeyihiin ujeeddooyin badan. Qaar waxaa loo dhistaa si looga gaashaanto fatahaad ama biya yari. Qaar kalena waxaa loo adeegsado waraabinta beeraha amaseba laga dhaliyaa xoog koronto.

Biyaxireenka Itoobbiya (GERD), oo ah midka ugu weyn Afrika, qaadi karana wax ka badan 18 jeer biyaha Juubba (74 bilyan miti saddex jibbaaran,) waa mid koronto laga dhaliyo (6.5 Giga Watt). Biyaxireen kasta oo cusub ugu horreyntii waa in harada biyaha la buuxiyaa si looga faa’idsado biyaha. Haseyeeshee biyaxireennada waaweyn maangal ma aha in hal mar la wada buuxiyo haddii kale biyaba kuma harayaan webiga.

Itoobbiya markii lagu heshiinwaayay ayey laba jeer dhaansatay, iyadoo marka dambe ka faa’iideysatay biyaha roobab dheeri ah oo da’ay. Waxaa soo dhow markii sadeexaad oo la filayo in lagu heshiiyo. Saadaasha roobabka sanadkan waxay muujinaysaa inay biyaha badan yihiin oo farsama ahaan aysan dhibaata jirin, waana markii ugu dambayay.

Biyaha biyaxireenka laba meelood ayay ka baxaan: irdaha gunta hoose ku yaal iyo kuwa “xiintoyda – Spillway” dusheeda sare ka dhaadhaca. Haddeer oo harada aan la buuxin biyaha hoos keliya ayay ka baxaan, xiridda iyo furidda gacanta uguma jirto Itoobbiya.

Marka la buuxiyo biyaxireenka, biyiha waxay marayaan makiinadaha (Turbines) si ay u dhaqaajiyaan makiinahada korontada dhaliya (Generartors), kaddibna dhammaan biyaha waxay u gudbayaan Suudaan iyo Masar.

Haddaba aanu isweydiinee haddii biyaha dhammaantooda ay u gudbayaan Masar iyo Sudan, maxay Masar la welwelaysaa?

Xaalka Masar, waa “doob dareen baa dilay,” sababtoo ah furaha biyaxireenka gacanteeda kuma jiro. Sidaas darteed, waa inay qaylada badisaa si Itoobbiya aysan u go’aansan keligeeda jadwalka koronto dhalinta oo dhaawici kara jadwalka adeegsiga Masar iyo Suudaan.

Waxaa laga yaabaa in marka ay Itoobbiya u baahan tahay inay dhaliso korontada ugu badan Masar ay ku jirto waqtigii adeegsigeeda biyaha ugu badan yahay. Marka la rabo koronto badan in la dhaliyo waa in biyo badan la keydiyaa oo sare loo qaadaa heerka biyaha ee harada, taasoo keenaysaa in muddo ah in la yareeyo biya socda.

Dowladaha xiga xagga isha webiga marar badan waxay ku takrifalaan kuwa ka hooseeya. Dalkii aan haddeer cabaadaynin sida Soomaaliya oo kale “waa u kaadi,” sababtoo ah Itoobbiya waxay mar kasta yarayn kartaa ama xiran kartaa biyaha webiyada Soomaaliya.

Warka muhiimka ah ee warmurtieedka Sisi ayaa ahaa, “iyadoo la raacayo mabaadi’da ku habboon ee Xeerka Caalamiga ah waxaa loo baahan yahay in la gaaro, iyadoo aan dib loo dhigin, heshiis ku saabsan buuxinta iyo hawlgalka biyaxireenka [jadwalka koronto dhalinta].”

Dhinaca kale, Xasan Sheekh hadalkiisa habayaraatee kuma uusan soo qaadin wax la xiriira biyaxireenkaba. Xitaa haddii uu ku raacay hadalka Sisi wax qalad ah kuma jireen, waayo waxuu ahaa mid guud oo waafaqsan mowqifka Soomaaliya oo la mid ah midka ay ka istaageen Mareykanka, Yurub, iyo dalalka kaleba. 

Waxaase dhaliil mudan wararka ay tebisay warbaahinta dalka qaarkeed oo sheegayay in madaxweynaha uu ka saftay Itoobbiya, sidaasna uu halis u geliyay dalka, taasoo aslanba ka fog runta, haddii uusan jirin heshiis qarsoon oo uu  saxiixay.

Balse, khatarta aan muuqan ayaa ah in Masar loo oggolaado inay ka qaybqaadato la dagaallanka argagaxisada, lugna ku yeelato tababbarka Ciidamada. Masar waxay u hanqaltaagaysa inay xeebta Badda Cas ee Soomaaliya ka hesho saldhig militari. Horey waxay  isku dayday inay Somaliland ka dhaadhiciso hindisahaas, iyadoo u ballanqaadaysa inay la doondooni doonto aqoonsi diblomaasi. 

Khatar aan la dhayalsan karin ayaa iyana ah in xooggaga militariga shisheeye oo kusoo qulqulaya daanta galbeed ee badda Cas ay kordhin doonaan mashaakilka Geeska Afrika oo u nugul xasilloonidarro haddii aan laga feejignaan.

Haddaba, danaha Soomaaliya waxay ku jiraan inaysan la safan amaseba ka safan dhinacyada hardamaya oo ay ku negaato dhabbihii xukuumadihii hore.

Xigasho: Jamhuriyadda