Wararkii ugu dambeeyey Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday LIYUU BOOLIS

Aato (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu Booliiska ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Aato ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar hoobiyaal ku bilaawday ku qaadeen deegaanka, dabadeedna uu bilaawday dagaal fool ka fool ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, walow aanan wali la ogeyn khasaraha ka dhashay dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta waxay u sheegeen inuu dagaalka saakay saameyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka dadweynaha, ganacsiga iyo isku socodka dadka, islamarkaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha deegaankaasi.

Waa markii labaad oo degaanka Aato uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab muddo bil gudahood ah, waxaana todobaadkii hore sidaan oo kale ay Al-Shabaab ay weerareen degaanka Aato iyo degaano kale oo kuyaalla Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Itoobiya ay ka guuleysteen weerarkii uu soo qaaday Ururka Al-shabaab ee ka dhaqdhaqaaqa gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo u warramay BBC laanteeda Af-Amxaariga wuxuu sheegay weerarka ay Al-Shabaab ku soo qaaday dalka Itoobiya iyo xilliga uu ku soo beegmay ee xaaladda gobolka marka la eego in diyaar garow badan loo baahan yahay. Ma faahfaahinin madaxweynaha waxa uu arrintaasi ula jeeday.

Al-Shabaab oo gudaha Soomaaliya ka dhaqdhaqaaqa ayaa weerarro kala duduwan oo isugu jiro qaraxyo iyo weerarro ay dagaallamayaal u adeegsan ka fuliyo gudaha Soomaaliya, Kenya iyo Uganada.