Tigrayga Itoobiya oo HUB urursi billaabay iyo xiisad DAGAAL oo sii kordheysa

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Tigreyga ee Itoobiya, Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyey dowladda Federal-ka ah in ay xoogag shisheeye kala shaqeyneyso sidii loo wiiqi lahaa, loo hareereyn lahaa ama loo baqdin galin lahaa dadka iyo dowladda Tigrayga.

Shir Jaraa’id oo aad u dheeraa oo uu warbaahinta u qabtay ayuu madaxweyne ku xigeenka Tigrayga ku muujiyey sida maamulka Federal-ka ee Addis Ababa ay si qorsheysan u doonayaan in ay Tuke cambaar leh uga dhigaan Tigrayga iyada oo la beegsanayo xubnaha ugu jira Militariga, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo kuwa ka shaqeeya laamaha ammaanka.

Waxa uu intaa ku daray in uu jiro weerar qaawan oo loo maleegayo dadka Tigrayga ee aysan ahayn shaqsiyaad dambiileyaal ah.

Dr. Debretsion waxa uu sheegay in dowladda Federal-ka ah in ay diyaarineyso dagaal aad u abaabulan  iyo ol’ole baaxad leh oo ka dhan ah maamulka Tigrayga, si ay isu soo dhiibaan iyaga oo ugu gambanaya la dagaalan musuq. Dr Ahmed waxa uu la shaqeenayey kooxo argagixso ah oo intooda badan ka soo jeeda amxaarada si loo majaxaabiyo dastuurka Itoobiya.

Tiro Tigray ah oo ka mid ah militariga, saraakiil ammaan, saraakil dowladda ah, ganacsato iyo haween ayaa toddobaadkii hore lagu xiray eedeymo been abuur ah iyada oo aann loo marin sharciga si weynna looga booday sharcida Itoobiya iyo kan caalamiga ah, sida uu sheegay Debretsion Gebremichael.

Dr. Debretsion waxa uu sheegaya in haddii ay tallaabooyinkaas ahaan lahayaeen kuwo ku tacaluqa musuq maasuq uu noqon lahaa mid dalka oo dhan ku baahsan ee aan ku koobneyn hal qowmiyad iyo dadka Tigrayga ah.

Madaxweyne ku xigeenka Tigrayga waxaa ka muuqatay caro ku aadan weerarkan ana kiisa oo kale hore loo arag ee ka dhanka ah Tigrayga toddobaadkan, kaligii ma aha dadka carreysan marka la eego dadka Tigrayga oo caadooda ay halkii ugu sarreysay gaadhay.

Tigray badan ayaa dalbanaya in hub. Qoraallo badan oo Facebook iyo Twitter-ka la soo dhigay ayaa dowladda Tigrayga ka dalbanaya in la furo xaromo tababar Militari ah.

Qaar ka mid ah kooxaha Tigrayga ayaa ka dalbanaya in dowladda ay ku dhawaaqdo qodobka 39-aad ee dastuurka Itoobiya kaas oo maamulada iyo dadkeeda u ogolaanaya aayo ka talis iyo in ay gooni isu taaggaan.

Kuwiii ka dambeeyey afgambigii fududaa ee bishii Maarso waxa ay ku fekereen sameynta dowlad maqaar saar ah laakiin natiijada waxa ay noqon doontaa abuuridda dowlado badan sida Yugoslavia.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com