Tira-koobka dadka Kenya oo noqday 23 milyan rag ah iyo 24 milyan oo haween ah

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa uu ku dhawaaqay natiijada kasoo baxday tirakoobkii laga sameeyey dalkaas.

Uhuru ayaa sheegay in tirada Guud ee dadka ku nool Kenya ay yihiin 47.6 milyan ,halka sanadkii 2009 ilaa 2019 ay dadka kasoo biiray Shacabka Kenya ay gaarayaan 9 milyan oo qof.

Sidoo kale tirade raga ku nool Kenya ayuu ku sheegay 23.6 milyan halka haweenkana ay yihiin 24 milyan,waxaana tani ay ka dhigan tahay in Ragga & Dumarka ay haweenka ku badan yihiin Kenya.

Ugu dambeyn Gobolka Soomaalida ayaa tirada dadka kunool lagu sheegay 2,490,073 ( laba milyan afar boqol iyo sagaashan kun iyo todobaatan iyo sedex qof ).

Magaalooyinka tirakoobka laga sameeyey gaar ahaan kuwa oo ay Soomaalida degan yihiin ayaa waxaa ay kala yihiin tirada dadka ku nool, Mandera 867, 457 qof, Garissa 841,353 qof iyo Wajeer 781,263 qof.

Tirakoobka sanadkan ee dadka Kenya waxaa ku jiray dadka isku jinsiga ah ee isu taga waxaana tiradoodu kor u dhaaftay 1,500 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com