Tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay fatahaadaha dalka oo shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu faah faahiyey waxyeelada rasmiga ah ee ka dhalatay fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada Shabelle iyo Jubba.

Hay’adda ayaa xaqiijisay in fatahaadihii ugu dambeeyey ay ku dhinteen illaa 25 qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 47, kale oo u badan dad danyar ah oo ay saameeyeen daadad xoogan oo ku dhuftay magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale.

Sidoo kale waxa ay WHO shaacisay inay ku barakaceen fatahaadahaasi dad gaaraya  270,000 oo qof, kuwaas oo hadda u baahan gargaar iyo caawimaad deg deg ah.

Warbixinta hay’adda caafimaadka adduunka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama uu weli socdo Roobka Deyrta ee ka da’aya Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa ay hay’adda WHO ballan qaatay inay sameyn doonto naf badbaadin deg deg ah, islamarkaana ay gargaar bani’aadanimo ka fulin doonto meelaha ugu daran ee fatahaaduhu ka jiraan.

Degmooyinka ay sida daran u saameeyeen daadadka waxaa ka mid ah Beledweyne oo ka tirsan Hiiraan, Bardaale oo hoostagta Baay iyo Baardheere oo dhacda gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com