Madaxda Jubaland iyo wafdi ka socda beesha caalamka oo kulamo ku leh Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ayuu kulan uga soconaya Madaxda Maamulka Jubbaland iyo wafdi ka socda beesha caalamka, si loo soo afjaro kala qaybsanaantii ka dhalatay Doorashooyinka Jubbaland.

Wafdigan ayaa waxay marka hore Magaalada Kismaayo kula kulmeen siyaasiyiinta is bedeldoonka, waxayna u sheegeen in ay yihiin wafdi loo soo diray, sidii looga gudbi lahaa khilaafka hareereeyay Jubbaland.

Wafdigan ayaa intaasi ka dib waxay xalay gaareen Madaxtooyada Magaalada Kismaayo oo ay kula kulmeen masuuliyiin uu ugu sareeyo Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in markale ay maanta labada dhinac ku kulmi doonaan Madaxtooyada Kismaayo, si horey loogu sii amba qaado kulankoodii xalay.

Waa markii ugu horeysay oo la bilaabo dadaalo lagu doonayo in lagu soo geba-gabeeyo khilaafka Maamulka Jubbaland kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Somaliya.

Khilaafka muuqdo ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu xoogeystay bishii August, ka dib markii doorasho natiijadeeda lagu murmay mar labaad lagu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale khilaafkan ayaa waxaa qayb ka ah muucaaradka Jubbaland oo qaadacay Doorashooyinkii Madaxtooyada & Baarlamaanka Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa horey ugu baaqday in doorasho ku celis ah la qabto, waxaase taasi si weyn uga hortimid Madaxtooyada Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com