Madaxweynayaashii hore ee dalka oo loo diiday inay ka dhoofaan Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in la diiday in madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ay ka  dhoofaan garoonka, ayaga oo kusii jeeda magaalada Beledweyne.

Maamulka garoonka ayaa labada mas’uul iyo xubnaha wafdiga Madasha Qaran ku war-geliyey inaysan diyaaraddooda ka duuli karin garoonka.

Wafdiga Madaxweynayaashii hore ayaa xilligan ku sugan qeybta VIP-da garoonka, islamarkaana loo diidan yahay safarkooda Beledweyne.

Garoonka ayaa waxaa sidoo kale la filayaa inuu goor-dhow ka dhoofo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo isna kusii jeeda magaalada Beledweyne.

Maamulka garoonka ayaa mar laga soo xigtay in sababta ay tahay in madaxweynaha HirShabelle uu kusoo war-geliyey in wafdigan aan loo soo dayn Beledweyne, halka marna ay sheegeen inuu jiro amar ka yimid madaxda sare ee dowladda.

Xubno ku dhow xafiiska Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay inay Beledweyne ka heleen warar sheegaya in garoonka ay biyo fadhiyaan, oo aysan diyaarad ka degi karin.

Si kastaba, bixitaanka Kheyre iyo joogistiisa ayaa kala caddeyn doonta in arrintan ay tahay dhibaato ka taagan garoonka Beledweyne iyo inay tahay xanibaad la saaray madaxdii hore ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com