R/W KHEYRE oo safarkii Beledweyne ka baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago magaalada Beledweyne, sida ay xubno ka tirsan xafiiskiisa u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Baaqashada safarka Kheyre ayaa loo sababeeyey roobab xooggan oo ka da’ay magaalada, kuwaas oo sababay inay biyo buuxiyaan garoonka, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ciidamo iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska oo tagay garoonka Aadan Cadde, kuwaas oo ka horreeyey ra’iisul wasaaraha ayaa dib uga soo laabtay. Ra’iisul wasaaraha ma tagin garoonka.

Baaqashada ra’iisul wasaaraha ayaa imaneysa ayada oo goor sii horreysay loo diiday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif inay ka baxaan garoonka, sida ay werisay Caasimada Online.

Sida aan horey uga soo xiganay xafiisak Kheyre, safarka laga joojiyey labada madaxweyne ayaa sabab looga dhigay isla sababta joojisay Kheyre ee ah in garoonka Beledweyne ay biyo buuxiyeen.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax warar ah oo kasoo baxay madaxweyneyaashii hore oo ku saabsan safarkan laga joojiyey.

Maamulka HirShabelle ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan, ayada oo sida aan xogta ku helnay sheegi doonaa dhibaatada ka taagan garoonka iyo inaysan diyaarad kasoo degi karin.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com