Wafdigii Xasan Sheekh iyo Shariif oo la fasaxay kana dhoofay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in la fasaxay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo goor hore garoonka lagu xanibay.

Labada madaxweyne oo ay wehliyaan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa u duulay kuna sii jeeda magaalada Beledweyne.

Maamulka garoonka ayaa labada mas’uul iyo xubnaha wafdiga Madasha Qaran waxay saaka markii ay garoonka tageen ku war-geliyeen inaysan diyaaraddooda ka duuli karin garoonka, ayada oo qiil looga dhigtay in garoonka Beledweyne ay biyo fadhiyaan.

Si kastaba, kadib wada-hadal ayaa wafdiga la fasaxay, waxaana ay hadda kusii jeedaan magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safar la qorsheeyey inuu isna maanta ku tago magaalada Beledweyne, sida ay xubno ka tirsan xafiiskiisa u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Baaqashada safarka Kheyre ayaa loo sababeeyey roobab xooggan oo ka da’ay magaalada, kuwaas oo sababay inay biyo buuxiyaan garoonka, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Waxaa muuqata inay jiraan waxyaabo badan oo is-burinaya, sida, sababta Kheyre ku baaqday oo diyaaraddiisa ay garoonka Beledweyne uga dagi karin balse diyaaradda madaxdii hore ay uga degeyso.

Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan sababta maamulka garoonka iminka u fasaxay, haddiiba markii hore sababta loo joojiyey ay ahayd in garoonka Beledweyne aysan diyaarad ka degi karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com