Sababtii loo xayiray Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha hay’adda duulimaadyada rayidka, Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahiyey sababtii loo xayiray diyaaradii qaaday Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka ku sii jeeday degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ugu horreyn Maareeyaha ayaa beeniyey in amar ka soo baxay dowladda ama arrimo siyaasadeed loo hakiyey duulimaadka wafdigaasi, balse wuxuu tilmaamay in roobab xoogan oo xalay ka da’ay ay saameyn ku yeesheen garoonka diyaaradaha Beledweyne.

Axmed Macalin Xasan ayaa xusay in qiyaas ahaan 600 oo mitir oo garoonka ka mid ah ay biyo fariisteen, islamarkaana la hubinayey kaliya in diyaaraduhu tagi karaan halkaasi.

Sidoo wuxuu tilmaamay in amniga garoonka ay gacanta ku hayaan ciidanka nabad ilaalinta AMISOM, islamarkaana aysan jirin wax qal-qal ah oo jira iyo xayiraad lagu soo rogay diyaaradii u kireysneyd wafdigga uu hoggaaminayo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Inkastoo markii dambe la fasaxay wafdigan, hadana ma jiro illaa iyo wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca hoggaanka madashada xisbiyada Qaran oo ku aadan arrintaasi.

Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyay

Xaaladda Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid laga deyrinayey, waxaana ujeedka wafdigan uu yahay, sidii ay qiimeyn ugu soo sameyn lahaayeen dhibaatooyinka adag ee ka jira magaaladaasi oo inta badan ay isaga barakaceen qoysaskii daganaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com