Cabdiraxmaan CAYNTE oo xayiraaDda madaxdii hore ku tilmaamay daandaansi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte) ayaa si xoogan u cambaareeyey xayiradii maanta lagu sameeyey Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne.

Caynte oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in xanibaadda madaxdii hore ay tahay daandaansi iyo bahdilaad, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay tallaadaban ay muujineyso kalsooni la’aanta xukuumadda Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa sidoo kale ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka inay ku tumanayaan Dastuuurka iyo shuruucda u taalla dalka.

“Xannibaadda madaxdii hore waa daandaansi iyo bahdilaad, waxayna muujineysaa kalsooni la’aanta madaxda Nabad iyo Nolol, ku tumashada dastuurka iyo hurinta fitnada, Falcelinta ugu habboon waa in lala tiigsado garsoorka, si ilbaxnima lehna looga dhiidhiyo. Fitnada ay N&N ku baaqeyso waa laga yimid!” ayuu uri Wasiirkii Caynte.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo markii labaad xayiraad lagu sameeyey wafdi hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, inkastoo markii dambe la fasaxay, waxaana u jeedadoodu ay tahay kaliya qiimeynta xaaladaha ka jira gobolka Hiiraan oo uu fatahaad xoogan ka geystay wabiga Shabelle.

Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com