Wada-hadal dheer kadib diyaaraddii Xasan iyo Shariif oo loo fasaxay Beledweyne

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inay halkaas ka dagtay diyaaraddii siday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Diyaaradda oo markii hore loo sheegay inaysan Beledweyne kasoo dagin karin lagana dansaday Raadeerkii hagi lahaa ayaa ugu dambeyn loo ogolaaday inay ka dagto halkaas.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan wafdigaas oo hadda gaaray Beledweyne, wada-hadal dheer kadib ayaa diyaaradda loo ogolaaday inay kasoo dagto garoonka diyaaradaha Beledweyne.

Intii uu wada-hadalka socday ayaa la sheegay inay diyaaradda taagneyd hawada, lamana helin weli cidda fududeysay inay halkaas ka dagto.

Safarka Beledweyne ee madaxweynaashii hore dalka usoo maray ayaa maanta la kulmay culeys badan oo uga imaaday dhanka Dowladda, iyadoo markii horana lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.