Mahad Salaad oo sheegay in maanta shirqool loo dhigay Shariif iyo Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xayiraddii Maanta loogu geystay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif Garoomada Diyaaradaha Muqdisho iyo Beledweyne.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in muddo 30 Daqiiqo wafdigaas lagu xayiray Hawada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

” Diyaaradii siday Madaxweyneyaasha ayaa hada ka degtay magaalada Beledweyne. Diyaarada ayaa loo diiday markii hore in ay ka degto airport ka. Mudo 30 daqiiqo oo ay hawada ku jirtay kadib ayaa hada loo fasaxay in ay degto” Ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa tallaabadaas ku tilmaamay inay aheyd shirqool la doonayey in lagu dhibaateeyo madaxdii hore ee dalka soo martay sida uu hadalka u dhigay.

” Arintaa ayaa u eg sirqool la doonayay in lagu dhibaateeyo Madaxweyneyaashii hore oo safar gargaar bini adamnimo ah ugu socday magaalada Beledweyne oo bulshada ku dhaqan dhibaato ka soo gaartay fatahaadihii ka dhacay magaalada”.

Hadalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa imaanayo Xilli Maanta garoonka Muqdisho lagu xayiray wafdigaas iyadoo kadibna la sheegay in diyaaradda loo diiday inay kasoo dagto garoonka Beledweyne kadib markii laga dansaday raadeerkii hagi lahaa sida uu sheegay Xildhibaan Mahad Salaad.

Duuliyaha diyaaradda ayaa la sheegay in kooxda raadaarka ee hagta diyaaradaha ku wargeliyeen in diyaaradda soo degi karin, arrimo la xiriira roobab magaalada ka da’ay, isla markaana dib ugu celiyo diyaarada Muqdisho.

Hase ahaatee Madaxdii hore ee dalka oo diyaaradda saarnaa ayaa diiday in diyaaradooda dib loogu celiyo Muqdisho, arrintan ay tahay mid siyaasadeysan, waxaana markii diyaaradda dib u laabatay uu duuliyaha ku qasbanayaaday inuu hadana laabto oo uu ka dego garoonka Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com