FIQI oo WAR ka soo saaray arrintii maanta ka dhacday garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah golaha shacabka ayaa ka hadlay xayiraadii koobneyd ee maanta garoonka Aadan Cadde loogu geystay Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu horreyn xildhibaan Fiqi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkaasi iyo in la hor istaago madaxda madasha xisbiyada Qaran oo jeedkoodu ahaa kaliya gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee fatahaadda webigu ay saameysay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso niyad xumada madaxda Villa Soomaaliya yo halka uu gaaray falfal-xumadoodu, sida uu hadalka u dhigay.

Fiqi ayaa sidoo kale intaasi ku daray in garoonka Aadan Cadde uu noqon karo mid la mid ah sbaarooyinkii dalka ka jiri jiray, taasina aan la aqabli karin, islamarkaana aysan jirin cid laga yeelayo wax aan wafaqsaneyn Dastuurtka iyo shuruucda u taalla dalka.

Halkan hoose ka aqriso:

Waa wax laga xumaado in hakad la geliyo socdaal ay saakay ku tagi lahaayeen madaxda madasha xisbiyada qaran magaalada BELEDWEYNE ayagoo ujeedkoodu ahaa gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee fatahaadda webigu ay saamaysay.

Sabab gargaar loo wado Beledweyne isbaaro loogu dhigto ma jiri karto, laakin waxay muujinaysaa niyad xumada kooxda Villa Somalia iyo halka uu gaarey falfal-xumadoodu.

Garoonka MUQDISHO ma noqon karo mid la mid ah isbaarooyinkii dalka ka jiri jirey, cid laga yeelayana ma jirto wax aan sharciga waafqsanayn, BELEDWEYNE waa tagis si kastoo turaanturooyin loogu horgudbo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com