Shariif iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan gudaha magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Wafdigan oo matalaya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa hoggaaminaya, Sheekh Shariif oo ah guddoomiyaha Madashaasi, iyagoona dhowaan ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha lacag gaareysa 200,000 oo Doller-ka Mareykanka ah.

Ujeedka socdaalka labada Madaxweyne ee hore ayaa ah sidii ay u kuur gali lahaayeen xaaladaha nololeed ay ka jira Beledweyne iyo siduu  u saameeyey wabiga Shabelle.

Sidoo kale waxaa ay la kulmi doonaan madaxda sare ee HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga xog wareystaan dhibaatooyinka adag ee ka jira halkaasi.

Socdaalkan oo noqonaya kii ugu horreeyay oo mas’uuliyiintan ay ku tagayaan Beledweyne, tan iyo markii ay daadad ku dhufteen ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkii hore uu dib u dhac ku yimid safar ay ku tagi lahaayeen halkaasi, kadib roobab ka da’ay magaaladaasi oo xiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada xoogan ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee ku dhaqan magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Baay ee maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xaaladda labaasi degmo oo daadad xoogan ay ku dhufteen ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, iyadoona inta badan ay ka barakaceen qoysaskii daganaa halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com