Diyaaraddii Xasan iyo Shariif oo loo diiday inay ka degto Beledweyne

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Hiiraan ayaa sheegayaa inay dib usoo noqotay diyaaraddii siday wafdigii ay hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay diyaarada hawada lagu xayira waqtigii ay dagi laheyd kadib markii laga dansaday Raadeerka Garoonka Diyaaradaha Beledweyne sida ay sheegeen qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in Diyaaradda laga dansaday Raadeerka isagoo soo xiganayo Xildhibaan ku sugan garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu kusoo qoray Facebook

Diyaaradii siday Madaxweyneyaashii hore ayaa la sheegayaa in loo diiday in ay ka degto airport ka Beledweyne!

Xildhibaan Golaha Shacabka katirsan oo airport ka ku sugan oo aan la hadlay wuxuu ii sheegay in RAADEERKA diyaarada laga hagayay laga dansaday markii diyaaradu ay dagi rabtay!

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com