Tirada dhimashada dagaalka Laascaanood oo korortay iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa kordhay khasaaraha dagaalkii shalay markale ka qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ah ee SSC.

Dagaalka oo ka dhacay aagga xerada Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan soddan qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Garaad Cabdisalaan Xasan oo kamid ah gaaradada ku sugan magaalada Laascaanood oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in dagaalkii shalay ay 30 qof dhankooda kaga dhinteen.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in 60 qof oo kale ay kaga dhaawacmeen dagaalkii shalay oo kaliya, taasi oo muujineysa baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalka bil ka badan ka socda magaalada Laascaanood.

“Waa tirakoobnay khasaaraha oo dhimashadu waa 30, dhaawacuna waa illaa 60 qof oo inkasta oo uu kala culus yahay. In badan waa la qaaday, in kale oo hadeer iyo berri la qaadayaana way jiraan,” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan Xasan.

Waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay garaadku “Magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho iyo meeshii kale ee wax lagaga qaban karaba waa la gaynayaa dadka dhaawaca ah.”

Dagaalka shalay oo socday muddo siddeed saacadood iyo ka badan ayaa waxay labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyay sheegeen in ay ku qabsadeen maxaabiis, baabuur iyo hub kala duwan.

Soomaliland weli si rasmi ah ugama hadlin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, ayada oo maamulka Puntland ku eedeysay in uu qeyb ka ahaa dagaalkii shalay, inkasta oo arrintaasi beeniyeen isimida ku sugan Laascaanood.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda Laascaanood oo ay shalay ku dagaalameen labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weli ay is hor-fadhiyaan labada ciidan, islamarkaana suurtagal tahay inuu dib qarxo dagaalka ka socda magaaladaasi.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan rayid aan waxba galabsan.