Sawirro: Wafdigii DF oo la kulmay madaxa Puntland iyo arrimo ‘la isla meel dhigay’

Garoowe (Caasimada Online) – Wafdigii heer federaal ah ee uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa maanta la kulmay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo dagaal xooggan uu ka socdo in ka badan bil.

Dhinacyada ayaa sidoo kale waxay isla meel dhigeen sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo sameynayo dadka shacabka ah ee ka barakacay dagaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxay labada dhinac isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhagax dhigo xarunta howl-galada gurmadka deg-dega ah, taasi oo shaqadeedu tahay la-taaclida xaaladaha deg deg ah ee dalkeena.

Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda gargaarka dowlad-goboleedka Puntland.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SODMA) Maxamuud Macalin iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Ujeedka safarka wafdigaan ayaa lagu sheegay in uu daaran yahay sidii ay gargaar u gaarsiin la haayeen kumanaanka ku barakacay dagaalada ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

SODMA ayaa dhowr jeer diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood, ayada oo garab istaag u muujisay bulshada uu saameeyay dagaalkaasi.

Dagaalka Laascaanood oo socda muddo ka badan hal bil ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeyn in ka badan 700 oo qof halka ay ku dhaawacmeyn ku dhawaad 200, 000 oo qof.