Sawirro: Xildhibaano BF ka tirsan oo maanta gaaray magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magalaada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wafdiga uu horkacayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare ayaa ka kooban xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood.

Masuuliyiintan ayaa kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaladaasi oo in ka badan bil uu ka socday dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Garaadada ku sugan Laascaanood ayaa wafdigan ka kooban xildhibaanada labada Aqal warbixin ka siiyay xaaladda guud ee magaalada, ayada oo masuuliyiinta ay indhahooda kusoo arkeen baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalka socda.

Wafdiga ayaa kormeer indha-indheyn ah ku tegay goobihii ku burburay dagaalka socda oo ay kamid yihiin goobo caafimaad, dhismayaal iyo guryo ay dagaanayeen dad shacab ah, kuwaasi oo madaafiicdu ku dhaceen.

Burburka xooggan ee soo gaaray dhismayaasha Laascaanood ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeyso Somaliland, oo la sheegay in ciidamadeedu ay magaalada ku garaaceen madaafiic aan loo meel dayin, taasi oo sidoo kale sii badisay khasaaraha ka dhashay dagaalka socda.

Booqashada mudanayaasha ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedeaalka ayaa kusoo aadeysa, xilli uu maanta degan yahay jawiga magaalada, ayada oo shalay dagaal xooggan aagga xerada Goojacadde ku dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Ciidamada labada dhinac ayaa weli isku hor-fadhiya duleedka magaalada Laascaanood, waxaana guul-dareystay dadaallo dhowr ah oo la rabay in xal looga gaaro xiisadda taagan kadib markii ay labada dhinac ku xireen shuruudo adag oo god kusii ridaya in waqti dhow uu wada-hadal furmo.

Si kastaba, Magaalada Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan rayid aan waxba galabsan.