Heshiis cusub: DF iyo dowlad goboleedyada oo soo saaray bayaan 11 qodob ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland lagu soo gaba-gabeeyay shirka wada-tashiga ballaarinta Idaacadaha dowlad Federaalka, dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya iyo wasiirada warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo agaasimaha guud ee warfaafinta gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa shirkaan oo socday laba maalin agaasimayaasha guud ee warfaafinta, agaasime waxeedyo iyo la-taliyayaal.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkaan oo ka kooban 11 qoddob ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyadu isku raaceen in la ballaariyo goobaha ay gaaraan idaacadaha dowladda labada heer, “iyada oo la xaqiijinayo ka wada-shaqeynta joogteynta shaqada idaacadaha.”

Masuuliyiinta uu shirka wada-tashi u socday ayaa sidoo kale waxay isla qaateen mideynta howlaha hortabinta u leh iyo baahiyaha wasaaradaha iyo xafiiska warfaafinta gobolka Banaadir.

“Shirka waxaa kasoo baxay dukuminti mideysan oo ka turjumaya hawlaha hortabinta u leh sanadkaan wasaaradaha warfaafinta labadooda heer iyo gobolka Banaadir iyo hanaanka loo wajahayo caqabadaha iyo fursadaha jira,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkaan.

Masuuliyiinta wasaaradaha ayaa isla qiray baahida loo qabo xilligaan in si deg deg ah looga wada-shaqeeyo gaarsiinta idaacado deegaanadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab iyo kuwa laga xoreyn doono, si farriinta saxda ah u gaarto dadka ku nool deegaanadaasi ay kooxdu ka talineysay in ka badan 15 sano.

“Iyada oo laga duulaayo raadadka ay argagixisadu uga tageen dadka ku nool deegaanadii laga xoreeyay, masuuliyiinta waxa ay isla garteen in si deg deg ah looga hawl-galo goobahaasi lagana fuliyo barnaamijyo warbaahineed oo la xiriirta wacyi-gelinta dadaalada xasillinta.”

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale isla garteen in ay qaataan doorkooda hoggaamineed ee warbaahinta iyo wacyi-gelinta, sidaas darteedna waxay ugu baaqeen hay’addaha kale ee dowladda labadeed heer iyo deeq bixiyaasha in lagu taageero, loogana dambeeyo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixinaysay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’addaha heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si loo dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:
Kismaayo 18–19 March, 2023: Shirka wadatashiga wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu ka qabsoomay Maagaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad goboleedyada Jubbaland, 18-kiii ilaa 19 Maarso 2023.

Waxaa ka shir guddoomiyay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Wasiirada Warfaafinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir, waxaana goob joog ka ahaa Agaasimayaasha guud ee wasaradaha warfaafinta, Agaasime Waaxeedyo iyo lataliyaal.

Shirka wuxuu socday labo maalmood waxaana looga hadlay:

  1. Wixii ka qabsoomay heshiiskii lagu gaaray shirkii ugu dambeeyay iyo sida lagu hirgalin karo wixii aan qabsoomin.
  2. Hawlaha hor tabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha ee 2023
  3. Dib u eegista siyaasadda Qaran ee Wacyi galinta.
  4. Mideynta Hawlaha Hor tabinta leh ee wasaaradaha.

Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxaa shirka Wadatashiga ka soo baxay:
1- Si kor loogu qaado fahamka bulshada Soomaaliyeed ee Dowladnimada iyo wacyiga dadweynaha ee qatarta fikradaha xagjirnimada ee kooxaha khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish waxa ay Mas’uuliyiinta isla qaateen in la xoojiyo Warbaahinta dowliga ah labadeeda heer.

2- Mas’uuliyiintu waxa ay isla garteen in la ballaariyo, goobaha ay gaaraan idaacadaha dowladda labadeeda heer, iyada oo la xaqiijinayo ka wada shaqeynta joogteynta shaqada idaacadaha.

3- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha waxa isla qireen baahida loo qabo in si deg deg ah looga wada shaqeeyo gaarsiinta idaacado deegaanadii dhowaan laga xoreeyay khawaarijta iyo kuwa laga xoreyn doono dhowaan, si farriinta saxda ah u gaarto dadka ku nool deegaanada ay sharci darrada ku haysteen kooxaha Khawaarijta in ka badan 15 sano oo ay marin habaabinayeen.

4- Mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in Idaacadaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir laga sii daayo Barnaamijyo mideysan oo ka hadlaya qatarta kooxaha khawaarijta ah iyo fikirkooda, maandooriyaha, waxqabadka dowladda labadeeda heer, laguna baahiyo lahjadaha Maay iyo Maxaa-tiri.

5- Mas’uuliyiinta waxa ay isku raaceen in si wadajir ah Warbaahinta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir looga baahiyo Barnaamijka Xogta Dowlad goboleedyada ee ka baxa Warbaahinta Qaranka, si hormarka iyo xaaladaha gobolada ula socdaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed, lana gaarsiiyo farriin mideysan oo muujinaysa horumarka bulshada iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

6- Mas’uuliyiinta waxay isla qaateen mideynta Hawlaha Hortabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha iyo xafiiska Warfaafinta gobolka Banaadir.

7- Shirka waxaa ka soo baxay dukuminti mideysan oo ka tarjumaya hawlaha hortabinta u leh sanadkaan wasaaradaha Warfaafinta labadooda heer iyo gobolka Banaadir iyo hannaanka loo wajahayo caqabadaha, iyo fursadaha jira.

8- Iyaada oo laga duulayo raadadka ay argagixisadu uga tageen dadka ku nool deeganadii laga xoreeyay, mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in si deg de ah looga hawl galo goobahaasi lagana fuliyo Barnaamijyo Warbaahineed oo la xiriira wacyi-galinta dedaalaada xasilinta.

9- Mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in la mideeyo dhammaan barnaamijyada wacyo-galinta ee la dagaalanka fikirka xagjirnimada ah, xasilinta . Iyo guulaha hawlgalada dib u xoreynta dalka.

10- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir waxa ay isla garteen in ay qaataan doorkooda hoggaamineed ee dhammaan hanaanka Warbaahinta iyo Wacyi-galinta dalka, waxaa ayna uga baaqayaan hay’adaha kale dowladda labadeeda heer iyo deeq bixiyayaasha in lagu taageero, loogana dambeeyo.

11- Shirku waxaa uu isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir lana joogteeyo kulamada muhiimka u ah wasaaradaha iyo gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Shirka waxaa uu u mahad celinayaan Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi galinta iyo Dalxiiska Dowlad goboleedka Jubbaland oo marti galisa shirkan, si wacanna u soo dhwoeysay wafuudii ka soo qeyb gashay.

-Dhammaad-
SAXIIXAYAASHA:
1- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska JFS Mudane, Daa’uud Aweys Jaamac.
2- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Hirshabeele Mudane, Aadan Bare Maxamed Muuse.
3- Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Bulshada ee Koonfur-Galbeed. Mudane, Cabdifataax Cali Yuusuf.
4- Wasiirka Warfaafinta, Hanuuninta Dadweynaha iyo Dalxiiska Jubaland. Mudane, Suleyman Maxamed Maxamud.
5- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Galmudug. Mudane, Abshir Cabdi Shiikhoow.
6- Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Gobolka Banaadir Mudane, Hassan Ali Abdirahman (Wiish).