Dagaal lagu dilay masuuliyiin, saraakiil iyo askar oo ka dhacay degmada Deyniile

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Deyniile waxay sheegayaan in dagaal culus uu caawa ka dhacay degmadaas, kaas oo geystay khasaare dhimasho ah iyo dhaawacyo soo gaaray saraakiil sare.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Deyniile iyo saraakiil ciidan ayaa ku dhaawacmay dagaalkaas, halka ay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan askari oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Ciidanka dagaalamaya waxaa kala hogaaminayey masuuliyiinta amniga ee degmada Deyniile iyo sarkaal wata ciidan abaabulan oo deegaanka ah.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan maamulka degmada Deyniile, ciidamada dagaalamay waxaa kala hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Maxamed Madoobe oo la sheegay inuu yahay Taliyaha amniga degmada Deeyniile.

Sidoo kale garabka kale waxaa hoggaaminaya nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Ajuuke oo wata ciidan deegaanka ah oo ka amar qaata, ninkaas waxaa la sheegay inuu yahay horjoogaha dhowr Kaam oo dad barakacayaal ah ay ku nool yihiin, kuwaas oo ku yaalla Deyniile.

Sida ay sheegayaan wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno degmada Deyniile, dagaalka waxaa ku geeriyooday taliye ku xigeenkii amniga ee degmadaas, waxaana ku dhaawacmay saraakiil magacyadooda lagu sheegay Maxamed Iidle iyo Nin magaciisa  lagu soo koobay Fuusto Fuusto.

Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira guddoomiyihii waaxda Ciise-Cabdi ee degmada Dayniile Axmed Bacool iyo Cabdiraxmaan Ajuuke oo ka mid ahaa dhinacyadii hoggaaminayey ciidanka dagaalamay.

Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin waxa sababay dagaalka ka dhex qarxay laamaha ammaanka degmada Deyniile iyo ciidanka kale oo la sheegay inay u abaabulan yihiin qaab deegaan.

Maamulka degmada Deyniile iyo laamaha kale ee amniga weli war kama soo saarin isku dhacaan sababay khasaaraha culus, waxaana caawa degmada Deyniile ka jirta xaalad jaho wareer ah.