Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiray dalka…

Kampala (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliya.

Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda, wuxuuna madaxweynuhu uga warbixiyey xaaladda dalka.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay ciidamadaan dhameystay tababarka, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in tayeynta ciidanka qaranka ay aas-aas u tahay dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

Cutubyadaan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen.

Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey in uu dul-istaago nolashooda iyo tababarrada ay qaateen.

Sidoo kale ciidankaan soo dhameystay tababarka waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Uganda taageerada naf hurnimada leh oo ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, intii uu ku guda jiray khudbadiisa wuxuu dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey bixinta qarashaka ku baxay tababarka ciidankaan.

Hoos ka daawo