Daawo: La-taliyihii Farmaajo ee doorashada oo dalab u diray dadka reer Jubaland

Nairobi (Caasimada Online) – Cabdi Cali Raage la-taliyihii arrimaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo ayaa si adag uga hor yimid mudo kororsiga madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo dalbaday in doorasho deg deg laga qabto Jubbaland.

“Reer Jubbaland iyo guud ahaan Soomaali waxaan leeyahay waxaa la joogaa xiligii aad ka xoroobi laheydeen dhibaatooyinka maamul ee idin heysta,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in maamulkii Jubbaland uu ku uruuray Kismaayo, taasi oo kaliftay in dhulkii kale ee maamulkaas uu gacanta u galay kooxda Al-Shabaab, isagoo dadka reer Jubbaland ka dalbaday inay u istaagaan dhismaha maamul cusub iyo inay iska xoreeyaan kooxda Al-Shabaab.

Raage ayaa sheegay inuu ogyahay in dadku ay is weydiinayaan sababta uu u diidayo mudo kororsiga Axmed Madoobe, isagoo taageersanaa mudo kororsigii Farmaajo.

Balse wuxuu ku dooday in qalad aan qalad lagu sixi karin, “Anigu muddo ayaanba soo moogahay wixii hore, laakiin hadda qofkii ka tirsan nidaamka Axmed Madoobe ee ka soo baxa waan soo dhaweyneynaa,” ayuu yiri la-taliyihii dhanka doorashooyinka ee Farmaajo.

Bisha soo socota ee Abriil ayuu sheegay in lagu balansanaa in la bilaabo doorashada baarlamaanka Jubbaland, “Markii aan eegay sida ay wax u socdaan, waxaaba ka dhab ah maamulka Kismaayo muddo kororsiga aan meelaha ka maqleyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Cabdi Cali Raage waxaa horay loogu diiday inuu kursi baarlamaan ka soo qaato Kismaayo, xilli uu ahaa la-taliyihii arrimaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo.

Ninkaan oo saaxiib dhow la ahaa Farmaajo, ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo lagu dalbanayey doorasho ka madax-banaan Axmed Madoobe oo deg deg uga dhacda Jubbaland.

Hoos ka daawo