Sawirro: NISA oo dabaal-dag nooc cusub ah ka dhigtay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad taageero iyo soo dhaweyn loogu muujinayay sharciga cusub ee hay’adda Sirdoonkan iyo Nabad-gelyada Qaranka (NISA).

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay wasiiro, xildhibaano, odayaasha dhaqanka, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Masuuliyiinta iyo marti-sharafta kale ee kasoo qeyb-gashay munaasabadan ayaa ku amaanay hay’addihii kala duwanaa ee dowladda ee meel-mariyay sharciga NISA oo si rasmi ah dhaqan-gal u noqday.

Sidoo kale waxay tilmaameen muhiimada uu sharcigan u leeyahay dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, iyaga oo taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ku bogaadiyay arrintaan.

Sharciga hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA ayaa waxaa dhawaan ansixiyay xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Golaha Aqalka Sare, kaasi oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 8-dii bishan saxiixay sharcigaan oo ka soo gudbay heerarkii dhismaha sharciga, sida diyaarintoodii iyo ansixintii labada Aqal ee baarlamaanka.

Si kastaba, hay’adda NISA ayaa 53 sano kadib yeelatay sharci soo maray marxalado kala duwan, waxaana la filayaa inuu soo afjari doono tacadiyadii maxaabiista ay xirto iyo mad-madow badan oo ku gadaamna hay’adda.