Hoobiyeyaal lagu garaacay Muqdisho + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo saaka kusoo dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Hoobiyeyaashan ayaa si gaar ah looga dareemay degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda, ayada oo dadweynuhu ay kusoo waabaristeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in meelaha ay kusoo hoobteen hoobiyeyaasha ay kamid tahay xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir, halkaas oo lasoo wariyay khasaare kala duwan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dadka ay waxyeelada soo gaartay waxaa ku jiray kuwa isku qoys ah oo uu hoobiyuhu ugu tegay gurigooda, halkaas oo dhibaato ay kasoo gaartay.

Sawirro laga soo qaaday xaafadda ayaa muujinaya xaalad kacsanaan ah iyo burbur soo gaaray mid kamid ah guryaha ku yaalla xaafaddaas oo uu hoobiyuhu ku dhacay.

Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha, balse waxaa weli socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Sidoo kale shacabka ku dhaqan degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda ayaa dareemaya cabsi xoogan, maadaama halkaas laga maqlayo jugta madaafiicdan lagu garaacayo caasimada.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana meelaha qaar lagu arakayaa ciidamada ammaanka dowladda oo iyaguna bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culsu.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan iyo xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo magaalada Muqdisho.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gobolka Banaadir, waxaana u dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia gaar ahaan isgoyska Sayidka.