Ciidanka Danab oo howlgal culus ka fuliyay SH/HOOSE

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal ka sameeyay agagaarka degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen deegaano hoos yimaada degmada Wanlaweyn, halkaas oo mararka qaarkood lagu arko xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Ururka 4-aad ee guutada 16-aad Cabdullaahi Mustaf Cali (Madaale Qaran), oo sheegay inuu jeedkooda uu yahay baacsiga Al-SHabaab.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay isku fidiyeen dhul ballaaran oo ku yaalla halkaasi, si ay uga hortageen weerarada Al-Shabaab, una xaqiijiyaan amniga deegaanadaasi.

Ciidanka ayaa sidoo kale inta ay howlgalka wadeen waxa ay la kulmeen qoysas reer guuraa ah oo ay soo barakaciyeen Al-Shabaab, kuwaas oo soo gaaray aagga Wanlaweyn.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka, kuwaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka.

Wanlaweyn marka laga soo tego weerarada Al-Shabaab waxaa halis kale ku ah dagaal beeleedyada kusoo noqdnoqday degmadaas, kuwaas oo dhaliyay khasaare xoogleh.

Inta badan dagaallada ayaa waxa ay dhex maraan maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan halkaasi, mararka qaarkoodna jidgooyin soo dhigta duleedka magaaladaasi.