Tito Vilanova: Alexis Sanchez kuma biiri doono Juventus.

Tababaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa qaboojiyey wararka xanta ah ee sheegaya inuu Alexis Sanchez bisha Janaayo u dhaqaaqi karo kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Juventus.

Wararka ayaa soo jeedinaayey inay macquul tahay heshiis u dhexeeya kooxda Antonio Conte iyo Barcelona oo ku aadan weeraryahanka reer Chile, laakiin 44 jirkaan ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaas wuxuuna sheegay inuu rajo ka qabo inuu waqti dheer lasii shaqeeyo ciyaaryahankii hore ee Udinese.

“Waa wiil wanaagsan wuxuuna weli kooxda kula jiraa qandaraas waqti dheer ah,” ayuu u sheegay ESPN Espana.

“Waxaan rajo ka qabaa inuu waqti dheer halkaan kasii ciyaaro.”

Sanchez ayaa 2011kii Blaugrana kula biiray aduun lacageed gaaraya 26 milyan oo euro, wuxuuna u saftay 56 kulan isagoo u dhaliyey 16 gool.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.