Terry oo garoomada ka maqnaan doona muddo isbuucyo ah.

Kabtnaka kooxda Chelsea John Terry ayaan Qatar u gelin sidii la filaayey maadaama loo maleynaayey inuu qabo dhaawac aad u weyn oo jab ama tarar ah laakiin ma uusan noqon wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa muddo isbuucyo ah.

Daafaca halbowlaha dhexe ayaa ku dhaawamay kulankii ay kooxdiisu barbaraha 1-1 ah la dhaafi weysay Liverpool ka dib markii ay si kama ah isugu dheceen Luis Suarez waxaana soo gaaray dhaawac u muuqday inuu yahay mid halis ah.

Laakiin Terry ayaan wax bilo ah garoomada seegi doonin ka dib baaritaano dheeri ah oo lagu sameeyey, wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa laba ilaa lix isbuuc, iyadoo waqtiga rasmiga ah la sheegi doono marka uu bararku ka dego dhaawiciisa.

Chelsea ayaa website-keeda rasmiga ah ku xaqiijisay: “Wuxuu garoomada ka maqnaan doonaa isbuucyo halkii la filaayey inuu bilo ka maqnaado.”

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.