Toddoba qof oo ajnabi ah oo ka tirsan Daacishta Somalia oo la qabtay + Magacyada

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran ayaa soo qabtey toddoba sarkaal oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha Cal Miskood ee gobolka Bari

PSF ayaa heshey xog ku saabsan in Daacish ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan dhulka xeebaha ku yaala ilaa Xaafuun. Mudadadii hawlgalku socdey ayaa PSF soo qabatey afar kamid ah kooxda Daacish, waxaana lagu qabtey inta u dhaxaysa Tuulooyinka Timirshe iyo Tuulo Ciise

Sidoo kale saddex kamid ah Daacish ayaa lagu qabtey toga Maroodi-magale oo wax yar u jira Timirshe. Raggan ayaa dhamaantood u dhashey qawmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana ay shixnado u qaadi lahaayeen buuraleyda Cal Miskood ee kooxdu ku gabbato.

Qawmiyadda Oromada ayaa muddooyinkii danbe si weyn uga mid noqonaayey Daacishta ku dhuumaaleysata buuraleyda gobolka Bari, kadib markii ay hoggaanka ururkaas la wareegeen.

Magacyada xubnaha la qabtey ayaa kala ah: 1- Kabana Nagsa Bulja, 2- Abdalle Tadhase Gafaso, 3- Qasim Suleyman Jibril, 4- Yusuf Tuna Dubey, 5- Yasin Abdow Awal, 6- Anwar Fathi Abagatow, 7- Isaq Kamal Qasim.

Ciidanka PSF ayaa gaarey togga Jaceel ilaa degmada Xaafuun, waxaana hawlagalku ahaa mid lagu baacsanaayey kooxda Daacish ee buuraleyda gobolka bari ku sugan.

Gobolka Bari ayaa waxaa sanado badan ka dagaalamaya kooxo kasoo horjeeda maamulka Puntland, kuwaasi oo xubno ka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.