Todobaad kadib qodob ka mid ah heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 14 Bishaan heshiis kula saxiixday Magaalada Nairobi Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Heshiiska labada madaxweyne ku dhex maray Magaalada Nairobi, waxaa ka mid ahaa qodob sheegayey in Todobaad gudihiisa lagu fasaxo duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho lana joojiyo marista Wajeer oo ah mid dhibaato ku ah dadka kasoo safro Muqdisho.

Asbuuc kadib heshiiskii labada madaxweyne ay kala saxiixdeen weli ma uusan dhaqangelin, waxaana sababta lagu sheegay inaysan weli Dowladda Kenya waraaq fasax ah u gudbin Hay’adda Duulimaadka Hawada Kenya ee KCAA.

Gilbert Kibe oo ah Agaasimaha hey’adaas ayaa xusay inaysan jirin waraaq fasax ah oo uga timid dowladiisa iyagana aysan awood u laheyn inay fasaxaan amar la’aan.

” Mar jirto waraaq fasax ah oo illaa hadda aan helnay, diyaaradaha weli kuma wargelin inay sameeyaan duulimaadyo toos ah sababtoo ah weli ma helin amarkaas” ayuu yiri Gilbert Kibe

Wuxuu sheegay in hey’adda KCAA ay diyaar u tahay inay si deg deg ah u fasaxdo duulimaadyada toos ah ee Nairobi iyo Muqdisho haddii uu amarkaas kasoo baxo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dowladda Kenya ayaa dhawr jeer oo hore ka baxday heshiisyo ku aadan in la fasaxo duulimaadyada toos ah ee Nairobi iyo Muqdisho, waxaana xusid mudan in hadda ay xayiraadii ugu dambeysay ay socoto  muddo lix bil ah.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin sababta loo fulin la’yahay heshiiskii ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.