Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday Mareykanka

Maine (Caasimada Online) – Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay toogasho wadareed ka dhacday magaalada Lewiston ee gobolka Maine, sida ay shaaciyeen laamaha amnigu.

Boqollaal askari oo booliis ah ayaa waxa isugu soo baxeen gobolkan, iyagoo raadinaya nin lala xiriirinayo toogashadan oo ka dhacday baar iyo goob kale oo lagu ciyaaro ciyaarta bowlingka.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, tobannaan kale ayaa ku dhaawacmay, waxaaana maamulka gobolkaasi sheegay inay jiraan dhibbanayaal badan oo ku dhintay toogashadii Arbacadii, balse waxay diideen inay sheegaan tirada.

Booliiska gobolka iyo hay’adaha amniga ayaa sheegay Robert R. Card, oo 40-jir ah lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay, isla markaana ay ku raadjoogaan.

Booliska ayaa faafisay muuqaalka ninkan la tuhunsanyahay. Weli waxaa la raadinayay eedaysanaha weerarka toogashada ah gaystay oo baxsaday.

Toogashada ayaa ka dhacaday magaalada Lewiston ee gobolka Maine, waxayna noqotay mid kamid ah dhacdooyinka ugu dhimashada badan ee dalka Mareykanka.

Dadka deggan Lewiston iyo Lisbon u dhow ayaa loo sheegay in ay feejignaadaan.Ninkaan waxaa la sheegay inuu waqti ku soo qaatay xaruun caafimaad oo dhanka dhimirka ah.