Wiil Soomaali ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday UK

Sheffield (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday magaalada Sheffield ee waqooyiga Ingiriiska taasoo lagu dilay wiil Soomaali ah.

Marxuumka oo 20 sano jir ahaa ayaa Axaddii lagu toogtay xaafadda Gleadless oo ku taala magaaladaasi, sida ay sheegeen ciidamada Booliska ka howlgala Sheffield.

Wararka ayaa sheegaya in markii loo yeeray ciidanka Booliska ay goobta ugu tageen dhaawaca wiilka Soomaaliga ah, balse uu geeriyooday inta loo sii waday isbitaalka.

Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysa falkaas iyo sababta rasmiga ah ee loo toogtay wiilkan dhalinyarada ah ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya.

Sarkaal sare oo u hadlay Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo dheeraad ah la geeyay halka ay toogashada ka dhacday, wuxuuna tilmaamay in weli baaris ay wadaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in goobta la geeyay xeel-dheerayaal, si ay dabagal ugu sameeyaan dhacdadaas oo argagax ku reebtay Soomaalida kale.

Booliska ayaa sidoo kale xusay inay weli ku howlan yihiin xog uruurin rasmi ah, si macluumaad dheeri ah looga helo dhacdadaasi, ayada oo bulshada deggan magaalada loogu baaqay inay qayb ka qaataan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiileyaasha.

Dhacdadan ayaa wal-wal ku reebtay jaaliyadaha u badan Muslimiinta ee ay ku jirta Soomaalida, kuna dhaqan magaalada Sheffield ee ku taalla waqooyiga dalka Ingiriiska

Magaaladaan ayaa sidoo kale kamid ah magaalooyinka ay kusoo horreeyeen Soomaalida ku nool waddanka Ingiriiska, waxaana haatan soo wajahday cabsi ka dhalatay weerarkaasi.