Wararkii ugu dambeeyay ee DAGAAL xalay ka dhacay Garoowe + Khasaaraha

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee maamulkaasi iyo rag hubeysan.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada amniga Puntland iyo rag ka ganacsada maandooriyaha oo ku sugnaa qaybo kamid ah Garoowe.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga iyo qof kale oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka dhex-maray labada dhinac, sida ay sheegeen goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen mid kamid ah ragga hubeysan oo markii horaba ay ka bilaabatay shaqaaqada.

Dagaalkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, maadaama lagu kor dagaalamay xaafado ay dagan yihiin shacab, kuwaas oo cabsi ay soo wajahday.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkan oo dhacay xalay saq-dhexe, waxaana maanta xaaladdu tahay mid deggan.

Ammaanka Garoowe ayaa habeenadii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey, waxaana magaalada ka dhacay rasaas aan la ogeyn waxa ay ahayd & burcad dhac geysaneysay.

Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaasi, kuwaas oo dhibaato ku haya bulshada deegaanka.

Si kastaba, dagaallada labada dhinac ayaa marka laga tago khasaaraha soo gaaro rayidka, waxaa jira askar iyo saraakiil looga dilay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.