DF oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska caanka ah The East African ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland.

Wasiir Fiqi ayaa qiray inuu jiro kala aragti duwanaasho siyaasadeed, balse uu socdo dadaal la’isugu soo dhaweynayo labada dhinac, si loo hagaajiyo xiriirka iyo wada shaqeyntooda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu kalsooni weyn ku qabo xalka nabadeed ugu dmabeyn lagu gaari doono wada xaajood iyo hab iskaashi, sida uu hadalka u dhigay.

Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland ay kamid ah dowlad goboleedyada muhiimka ah ee qaybta ka ah dowladda federaalka ayna door ka ciyaarto siyaasadda & kabashada qaranka.

“Puntland waxay xubin muhiim ah ka tahay Dawlad-goboleedkayaga Federaalka ah (FMS) waxayna mar walba door muhiim ah ka ciyaartaa Hannaanka siyaasadda dalka iyo soo kabashada qarannimada Soomaaliya,” ayuu wareysiga ku yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda federaalka ay mudnaanka siineyso wada-hadal, ayna la xiriireyso madaxda Puntland.

“In kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, haddana dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay la hadasho Puntland mas’uuliyiinteeda, waxaana rumeysannahay in wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul ay lagama maarmaan tahay si aan u gaarno hadafkeenna Qaran,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Dhowaan ayay aheyd markii xalinta khilaafkan loo xil -saaray madaxda maamullada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kadib shir ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaas oo ergo ahaan loogu diray madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Puntland ayaa horay u sheegtay inay si madax-banaan u dhaqmeyso inta laga dhameystirayo dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayada oo eedeymo dhowr ah u jeedisay dowladda federaalka.

Si kastaba, go’aankaas ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay caro uu madaxweyne Deni ka qaaday in shaqsiyan iyo Puntland ay waayeen xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.