25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Toogasho lagu dilay dhowr qof oo ka dhacday Sweden

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gothenburg (Caasimada Online) – Booliiska Sweden ayaa Talaadadii sheegay in laba nin lagu dilay toogasho habeen hore ka dhacday magaalada labaad ee dalka ee Gothenburg. Warbaahinta gudaha ayaa ku warramay in weerarkan lala xiriirinayo dagaallo u dhexeeya kooxo burcad ah.

Booliisku waxay sheegeen in ay heleen warbixin ku saabsan toogasho dhacday wax yar kahor saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta.

“Markii ay booliisku gaareen goobta, waxay heleen labo nin oo da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 25 sano kuwaasoo dhaawacyo ka soo gaareen rasaas. Waxaa loola cararay isbitaalka, balse way u dhinteen dhaawacyadii,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo kasoo baxay booliiska.

Baaritaan dil ah ayaa la furay, inkastoo booliisku sheegeen in aysan jirin cid loo qabtay dhacdadan ilaa iyo hadda.

Wargeyska Göteborgs-Posten ayaa qoray in weerarku uu suuragal tahay inuu la xiriiro aargoosi iyo colaado u dhexeeya kooxo burcad ah oo horey u dagaallamay.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee TT ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex toogasho iyo siddeed qarax laga soo sheegay magaalada Gothenburg tan iyo bilowgii sanadkan 2025.

Dalka Sweden ayaa sanadihii u dambeeyay wajahaya dhibaato xoogan oo la xiriirta kororka toogashooyinka iyo qaraxyada, kuwaasoo inta badan ka dhasha is-aargoosiga kooxaha dambiilayaasha ah ee iska soo horjeeda.

Inta badan falalka rabshadaha wata waxaa fuliya dhalinyaro da’doodu aad u yar tahay, gaar ahaan carruur ka hooseeya 15 sano — taasoo ah da’da mas’uuliyadda dambiyada ee dalka Sweden. Dhalinyaradan ayaa mararka qaar loo adeegsadaa dilal qandaraas ah sababo la xiriira in aysan si sharci ah dambiga ugu xisaabtamin.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Sweden ayaa sannadkii 2024 wajahaya hoos u dhac ku yimid tirada dilalka.

Warbixin uu bishii Maarso soo saaray Golaha Qaranka ee Kahortagga Dembiyada (Brå) ayaa muujisay in sanadkii hore la diiwaan geliyey 92 kiis oo dil ah — taasoo 29 kiis ka yar tiradii sanadkii 2023.

Booliiska Sweden ayaa sidoo kale bishii Janaayo sheegay in tirada toogashooyinka ay hoos u dhaceen sanadkii 2024, markii labaad oo xiriir ah. Waxaa la diiwaan geliyey 296 toogasho — hoos u dhac dhan 20% marka loo barbardhigo sanadkii ka horreeyay.

Booliiska ayaa hoos u dhacaasi ku sababeeyay kororka awoodohooda dhanka “ka hortagga iyo cabsi gelinta” falalka rabshadaha wata.

- Advertisement -

Read more

Local News