DAAWO: Hadal-jeedinta musharixiinta oo ka socota Teendhada Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa toos uga bilaabatay hadal-jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Khudbadaha musharxiinta ayaa waxaa si wadajir ah u dhageysanayaa xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan Teendhada Afisyoone.

Musharixiinta maanta hadal-jeedinta sameynaya ayaa gaaraya illaa 20 musharrax, waxaana la siiyey min 15 daqiiqo, si ay uga hadlaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Ammaanka xerada ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo lagu wareejiyey ciidamada howlgalka ATMIS, ex AMISOM si ay u sugaan amniga inta ay socota doorashada.

Sidoo kale qaybta labaad ee hadaljeedinta ayaa dhaceyso beri oo Khamiis ah, kuna beegan 12-ka May, waxaana khubadahooda jeedinayo madaxdii hore oo uu ku jiro Farmaajo.

Doorashada madaxweynaha oo loolan adag loo gali doono ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalinta Axada ah ee soo socota, kuna beegan 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday doorashooyinka, kadib khilaafaad sababay dib u dhacyo ku yimid sanad iyo ka badan.