Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa habeenkii Talaadada u sheegay la-taliyeyaashiisa sare inuu ansixiyay qorshe lagu weerarayo Iiraan, balse uu hakiyay bixinta amarka kama dambeysta ah, isagoo sugaya bal in Tehran ay ka tanaasusho barnaamijkeeda nukliyeerka, sida ay Wall Street Journal sheegeen saddex qof oo xog-ogaal u ah arrintaas.
Tan iyo markii uu tilmaamo gaar ah ku siiyay saraakiisha militariga qolka xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad (White House Situation Room), Trump ayaa si furan u sheegay in weerar ka dhan ah Iiraan uu ka mid yahay tallaabooyinka uu ka fiirsanayo.
“Waxaan hayaa fikrado aan ku dhaqaaqi karo, laakiin go’aanka kama dambeysta ah wali ma gaarin. Waxaan doorbidaa inaan go’aanka kama dambeysta ah qaato hal il-biriqsi ka hor xilliga loo baahdo,” ayuu Trump u sheegay warbaahinta Arbacadii.
Trump ayaa rajo ka qaba in hanjabaaddiisa ah inuu ku biiri doono duqeymaha Israa’iil ay ka waddo Iiraan—kuwaas oo hadda galay maalintii lixaad—ay Tehran ku khasbi doonto inay aqbasho dalabaadkiisa, sida ay sheegeen dadka xogta haya. Wuxuu Trump qiray in weerar uu qaado Mareykanku uu yahay arrin laga fiirsanayo, laakiin sidoo kale wuxuu caddeeyay inay suurtagal tahay inuusan tallaabadaas qaadin.
Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in weli furan yihiin tallaabooyin kala duwan, Trump-na uu sii wadi doono inuu si dhow ula socdo sida Israa’iil ay arrinta u maaraynayso.
Israa’iil ayaa todobaadkii hore bilowday weeraro cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha nukliyeerka, hoggaanka militariga iyo goobo muhiim ah oo kale oo ku yaalla gudaha Iiraan, iyadoo howlgalkaas loogu magac daray “Operation Rising Lion”.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) ayaa sheegay in maamulka Trump uu ka fiirsanayo qorshooyin badan oo la xiriira weerar lagu qaado Iiraan, balse ilaa hadda uusan Madaxweynuhu bixin amarka ugu dambeeya. Mareykanku wuxuu hadda xaddiday kaalintiisa militari, isagoo ku koobay inuu ka caawiyo Israa’iil sidii ay isaga difaaci lahayd weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.
Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth iyo Taliyaha Golaha Sare ee Ciidamada Mareykanka (Joint Chiefs of Staff), Jeneraal Dan Caine, ayaa Arbacadii galab ka qeybgalay kulan ka dhacay Aqalka Cad, kadib markii ay subaxnimadii isla maalinkaas ka soo hormuuqdeen guddiga Aqalka Sare, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Pentagon-ka.
Inkastoo qorsheynta weerarka ay si weyn u horumartay, haddana dadka la socda fikirka Trump ayaa sheegay inuu madaxweynuhu wali doorbidayo inuu xiisadda xal diblomaasiyadeed ku xalliyo.
“Waxaa laga yaabaa inaan weerarka qaado, waxaa sidoo kale laga yaabaa inaanan qaadin,” ayuu Trump mar kale ku celiyay, isagoo adkeeyay dalabkiisa ah in Iiraan ay isu dhiibto si shuruud la’aan ah. “Toddobaadka soo socda wuxuu noqon doonaa mid muhiim ah, laga yaabee in ka yar toddobaad,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inaanay marnaba wadaxaajood geli doonin iyadoo hanjabaad militari lagu hayo, isla markaana ay jawaab adag ka bixin doonto haddii weerar lagu qaado.
“Iiraan marnaba wadaxaajood kuma gasho cadaadis, mana aqbali doonto nabad lagu keenay hanjabaad, gaar ahaan marka uu hanjabayo qof dagaal-ooge ahaa oo wakhtigiisu dhammaaday oo isku dayaya inuu mar kale siyaasadda soo galo,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Ergada Iiraan u joogta Qaramada Midoobay, iyadoo si dadban u tilmaantay Madaxweyne Trump.
Xarunta Fordow ee lagu kobciyo uranium-ka, oo ah goob si weyn loo ilaaliyo, ayaa ah mid ka mid ah bartilmaameedyada suurtagalka ah ee Mareykanku ka fiirsanayo. Israa’iil wali ma weerarin xaruntan, oo ku taalla hoosta buur weyn, waxaana khubarada militarigu aaminsan yihiin inay adag tahay in la burburiyo haddii aan la adeegsan bambaanooyinka ugu awoodda badan.
Intii uu Trump ka fiirsanayay go’aankiisa, ciidamada Mareykanka ayaa sii waday inay ciidamo badan u wareejiyaan Yurub iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaaradaha shidaalka ku shuba diyaaradaha kale inta ay hawada ku jiraan, maraakiib dagaal oo awood u leh inay soo ridaan gantaallada riddada dheer, koox maraakiib dagaal oo ay weheliyaan diyaaradaha casriga ah ee F-22, kuwaas oo Arbacadii gaaray saldhig ku yaalla Britain.
Pete Hegseth ayaa Arbacadii sheegay in Mareykanku uu xoojinayo difaacyadiisa gobolka Bariga Dhexe, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo inay Tehran weerarto saldhigyada iyo ciidamada Mareykanka haddii la beegsado xarunta Fordow.
Mar uu ka hadlayay guddiga adeegyada ciidamada Aqalka Sare (Senate Armed Services Committee), isagoo ka jawaabaya su’aal la xiriirta suuragalnimada weerar ka dhan ah Iiraan, Hegseth wuxuu sheegay in go’aannada noocaas ah ay yihiin kuwo uu qaadanayo Madaxweyne Trump, isla markaana uusan faahfaahin kale oo intaas dheer siin karin fagaare dadweyne.
Pentagon-ka ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu diyaar u yahay difaaca ciidamada Mareykanka, isagoo sheegay inay diyaariyeen dhammaan awoodaha militari ee looga baahan yahay inay ka hortagaan weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo xaalado kasta oo lama filaan ah.
Ruushka ayaa dhankiisa Mareykanka uga digay inuu qaado tallaabo militari. Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa telefoon kula hadlay dhiggiisa dalka Cumaan, waxayna labada dhinac ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo colaadda, iyagoo sidoo kale cambaareeyay weerarka ay Israa’iil ku qaaday Iiraan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Arbacadii.