Trump oo hadal bahdil ah ugu faanay dalalka khaliijka ee is-khilaafsan

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu u guda galay xal u helida xiisada ka dhex aloosan dowladaha Qadar iyo Xulafada Sacuudiga.

Donald Trump, waxa uu sheegay in xiisada Khaliijka ay tahay keliya mid ay xalinkarto dowlada Mareykanka maadaama dowladaha kale ay ku fashilmeen xalinta xiisada taagan.

Donald Trump waxa uu farta ku goday in dowladiisu ay laheyd kicinta xiisada kal dhextaagan Khaliijka waxa uuna iminka tibaaxay in arrinkaa ay kawada hadleen dowladaha ay ka dhex jirto xiisada.

”Xiisada jirta waxaa xalkeeda haya Mareykanka inaga ayaana xalinteeda gali doono si loo sii wado wada shaqeynta hakatka gashay”

Donald Trump, waxa uu cadeeyay in dowladiisu ay xalinta xiisada ku qaadan doonto muddo asbuuc ah, iyadoo loo mari doono dhammaan dhinacyada ay xiisadu ka dhaxeyso.

”Waxaan kaashan doonaa dowladaha aan weli ka daalin xalinta xiisada ee dhex dhexaadka ahaa, waxaan ku rajo weynahay inaan dawo u helno xiisada jirta”

Docda kale, Donald Trump waxa uu ku baaqay in loo jilicsanaado faragalinta ay ku sameyn doonaan xiisada iminka ka dhextaagan Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com