Rohingya maxay uga duwan yihiin East Timor iyo Suudaanta Koonfureed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hordhac 1992-1995 Waxaa dalka Boosniya ka taagnaa dagaalo salka ku haya qawmiyado kala isir iyo diin ah, sida dadka Seerbiyiinta iyo Koroeeshiiyiinta ee haysta diinta Kirishtaanka iyo dadka Boosniyaanka ah markaan siino magacooda ee Muslimiinta ah. Burburkii dowladdii shuuciga ahayd ee loogu yeeri jirey Yuguslaafiya (Yugoslavia) waxay u kala go’day markii hore afar dal oo kala ah.

Seerbiya oo ay ku taaley xaruntii Yuguslaafiyadii hore ee Belgraad, Islofeeniya, (Slovenia) Koroeeshiya (Croatia), Makadooniya (Macedonia) iyo Boosniya (Bosnia and Herzegovina), dalalka kale oo dhan markiiba nabad iyo horumar ayaa ka hana qaadey marka laga reebo Boosniya, waxaana dagaalo dabar goyn ah lagu qaadey dadkii Boosniyaanka Muslimiinta ahaa, Saxaafadda reer galbeedka oo markaas la jaan qaadeysey qorshihii Madaxweynihii xiligaas Maraykanka xukumey ee George H. Bush ee ahaa New World Order, ayaa durbadiiba waxay sameeyeen magacbixinta dadka dirirtu u dhaxayso, waxaana loo qaybiyey Boosniyiinta Serbiyiinta, Booniyiinta Koroeeshiyiinta iyo Boosniyiinta Muslimiinta, markaad eegto labada qolo ee hore midkasta waxaa la siiyey qawmiyadii uu ka soo jeedey laakiin laguma darin diintii ay aaminsanaayeen, oo lama oran Seerbiyiinta Kirishtaanka, laakiin qawmiyadda xasuuqu ku socdey waxaa magacooda loogu daray diinta ay haysteen, haddii la dhihi lahaa Boosniyiinta keliya waxaa caddaan lahayd dadka iska leh dhulka lagu diriraayo, laakiin si weyn ayaa caalamka loogu marin habaabiyey, magac bixintaas.

Shirarkii Ohio iyo Paris 1995 ayaa heshiis lagu qaybiyey dalka Boosniya dagaaladaas lagu soo afmeeray, inkasta oo ay galaafteen kumaankun Boiosniyiin ah, reer galbeedku waxay faro geliyeen dagaalkaas markii shaliyaro dagaalyaho ah ama jihaad doon ah oo horey uga dagaalamay Afqaanitaan ay ka gudbeen dalalkii Sofiyeetiga ka go’ay ayna gaareen Boosniya, isla amrkaasna la jebiyey kuwii go’doonka ka dhigey magaalada Saarayeefo ee xarunta u ah Boosniya, reer Galbeedku waxay ka yaabeen in Boosniya ay noqoto xarun kale oo Afqaanistaan ah, markaas ayeyna u deg-degeen in Miiska la isugu keeno Madaxweynihii Seerbiya ee xiligaas Slobodan Milosevic, Madaxweynihii hore ee Koroeeshiya Franjo Tuđman, iyo Madaxweynihii Boosniya Alija Izetbegovic, waxaa heshiiskaas loogu magacdarey Dayton Agreement iyo Paris Protocol. Boosniya ilaa hadda waxay u qabsan tahay saddex qawmiyadood.

Falastiin

Dhulka Falastiin ee Yuhuuddu boobtey maahan mid isaga qoraal keliya lagu cabbiri karo waxaase Falastiin  taallo u tahay dhibaato kasta oo dadka Muslimiinta ah loo geysto caalamkan ee aan gar iyo garawshiyo laga bixin.

Suudaanta Koonfureed

Dalka Suudaan oo ahaa khariidad ahaan kan ugu weyn qaarada Afrika waxaa kuwada dhaqnaa Muslimiin iyo Masiixiyiin, Jamhadda SPLM ee uu dhisey John Grand waxay muddo dheer dagaalo kula jirtey maamulkii Khartuum, waxay taageero ka heli jirtey dalalka reer galbeedka ah, dagaalo socdey in ka badan 30 sano kadib waxaa la jeexay heshiis u horseeday Suudaanta Koonfureed in ay noqdaan dal ka madaxbanaan maamulkii Muslimiinta u badnaayeen ee Khartuum inkasta oo ayba eedeen, heshiiskaas waxaa ka soo shaqeeyey IGAD oo taageero ka heleysa reer Galbeedka.

Bariga Timor (East Timow)

Dalka Bariga Timor (East Timor) waxa uu muddo dheer ka tirsanaa dalka ugu tirada badan caalamka Muslmiinta ee Indunuusiya, dadka ku dhaqan Bariga Timor waxay ahaayeen Masiixiyiin. Waxaa guumeystey dalka Burtiqiiska, waxaana ay ka baxeen sanadkii 1975, markaas oo jamhadda dalkaas ka dhisneyd ay sheegatey in ay dal madax banaan yihiin, laakiin waxaa markiiba qabsadey dalka Indunuusiya oo dhinac walba ka xiga una arkaayey in ay ka tirsan tahay dhulkiisi gumeystihii reer Yurub boobay.

Reer Galbeedku waxay muddo dheer ka shaqeynayeen sidii Bariga Timor oo ah dal aad u yar dhul ahaan ee ay degan yihiin Masixiiyiin ay u noqon lahaayeen dal Madaxbanaan, waxaana heshiis lagu gaarey sanadkii 1999, in sanadka 2002 Induniisiya isaga baxdo halkaas, waxaana ay noqdeen dal cusub oio caalamka ka mid noqda, waxaana kamid ahaa dadkii sida weyn uga shaqeeyey Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jim Carter.

Qawmiyadda Rohingya

Todobaadyadii u danbeeyey waxaa saxaafadda caalamka haystey dhibaatada haysata dadka Rohingya ee degan gobolka Rakhine ee dalkii horey loo oran jirey Burma ee la baxay Myanmar ee ay ku badan yihiin dadka aaminsan diinta Buudiyiinta (Buddhism) Dhibaatada qawmiyadda Rohingya ee aaminsan diinta Islaamka ayaa muddo dheer soo socotey, waxaana dowaldda Burma dooneysaa in ay dadkaas kaba saarto gobolka ay deggan yihiin oo ka tir-tirto, waxay sheegayaan in Burma boos uga banaaneyn kuwa aaminsan diinta Islaamka.

Labadii todobaad ee u danbeysey waxaa lagu diley gobolka Rakhine in ka badan 1000 qof oo qawmiyadda Rohinga ah, dalka Bangledesh oo aan horey u ogoleyn in ay xuduudkooda u furaan waxaa gaarey 300 000 oo qof oo qaxooti ah, iyada oo tirada guud ee dadkaas lagu sheego hal milyan oo qof.

Haddaba golaha amaanka ee Qaramada Midoobey shir deg-deg kama yeelan, looma dirin kormeerayaal caalami ah oo xaaladda la socda, waxaana wakaaladda wararka ee Reuters ay qortey in xuduudka oo dhan miino laga buuxiyey si dadkaasi aysan dib ugu soo laaban guryahoodi. Waa xasuuq cusub oo caalamku daawanayo ayna waddo gabadha horey loo sii yey abaal marinta nabadda ee Nobelka ee la yiraahdo Aung San Suu Kyi.

Waxaa la is weydiinayaa cidda u maqan dadkaas dhibaatada lixaadka leh ku habsatey, haddii shucuubtii yarayd ee masiixiyiinta ahayd ee ku dhex nooleyd dalal Muslimiintu ku badan yihiin ay heleen dowlado madaxbanaan, yaa kuwaan u maqan? maxay Qaramada Midoobey ugu cadaadin weydo ciidamo ilaaliya dadkaas?, maxaa looga shaqeynwaayey sidii gobolkaasi u heli lahaa ugu yaraan is-maamul u gaar ah oo Qaramada Midoobey kor kala socoto?. Maxay dalalka Islaamku xiriirka ugu goyn waayey dalka Burma?.

Ugu danbeyntii Gobolka Rakhine ee dalka Mynamar wuxuu uga duwan yahay Bariga Timor iyo Sudaanta Koonfuireed iyo waxaa deggan Muslimiin.

Haji Said