Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu weeraray gaari uu lahaa Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada Maamulka Degmada Dharkiinley.
Gaariga oo lagu huwiyay rasaas farabadan ayaa la sheegay inuu maraayay Xaafada Dabakaayo Madow oo ka tirsan Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.
Gaariga Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa lagu horgooyay gaari nooca raaxada ah waxaana xigay rasaas farabadan oo lagu huwiyay Gaariga Guddoomiye xigeenka.
Gaariga weerarka geystay ayaa la sheegay inuu ahaa Noah, waxaana lasoo sheegayaa inay ka baxsatay goobta ay weerarka ka fulisay.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa xiliga weerarka la sheegay inaanu la socon gaariga inkastoo uu khasaaraha soo gaaray Askar la soctay gaarigiisa.
Weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday ruuxii waday gaariga, sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray mid ka mid askarta gaariga saarneyd.
Sidoo kale, Gaariga Gudoomiye ku xigeenka oo ah qooqan, ayaa hadda waxa ay dhex taalla xarunta Degmada Dharkiinley, iyadoo ay ka muuqata rasaastii lala dhacay gaariga.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka baaritaan uu ka socdaa Degmada Dharkiinley waxa ayna ciidamadu raadinayaan kooxihii falka ka danbeeyay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

