Xildhibaanada BF oo kulan xasaasiya ka leh qorshaha lagu dhiibay Qalbi Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan xasaasi ah Xarunta baarlamaanka Somalia ku yeelan doona Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Qodobka ugu weyn ee looga hadli doono kulanka ayaa ah ajendaha dhiibida Sargaalka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax iyo go’aanka Xukuumadda Somalia.

Xildhibaanada ayaa qodobkaasi dul istaagi doona waxaana lagu wadaa in laga yeesho dood adag si xal waara loogu helo muranka ka taagan Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada qaarkooda ayaa horay usoo dhaweeyay dhiibidii Qalbi Dhagax , halka kuwo kalena ay kasoo horjeesteen.

Lama oga waxa uu noqon doono natiijada kasoo bixi doonta dooda qodobka Qalbi Dhagax ee maanta horyaal Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com