26.9 C
Mogadishu
Sunday, July 5, 2026

Sawirro: Burbur iyo Khasaaro xoogan oo ka dhashay Ismiidaamin ka dhacday maqaaxi ku taala magaalada Baydhabo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ah oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Maqaayad ku taalla bartamaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo beegsaday dad ku sugnaa Maqaaxida Barwaaqo oo halkaasi ku taalla.

Maqaayada la qarxiyay ayaa ku taala agagaarka Dahabshiil oo ku dhow Afar Irdoodka Baydhabo, halkaasoo ka mid ah goobaha aadka u camiran ee faras magaalka ah.

Ninka is qarxiyay ayaa watay baaskiil, xilligii uu goobtaasi imaanaayay, iyadoo uu gudaha u galay maqaaxida, daqiiqado ka dibna uu is qarxiyay.

Waxaa ku dhintay Qaraxa 4 ruux oo shacab ahaa, halka saddex kalena ay ku dhaawacantay.

Goobjooge ayaa sheegay in dadka dhintay uu ku jiray Samafale lagu magacaabo Ibraahim Axmed Ibraahim ”Macruuf”, oo la shaqaynayay Hay’adaha Arlaadi iyo Intersos, oo arrimaha gargaarka ka shaqeeya.

- Advertisement -

Read more

Local News