Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Maqaaxi ku taala magaalada Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online)-Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaaxi ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Maqaaxida uu Qaraxa ismiidaaminta ah ka dhacay ayaa ku taalla agagaarka Dahabshiil oo aan sidaas uga fogeyn Afar irdoodka.

Qaraxan ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo beegsaday dad ku sugnaa Maqaaxida Barwaaqo oo halkaasi ku taalla.

Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in Qaraxa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo lagu Qarxiyay maqaaxida xili ay aheyd mid mashquul badan.

Xiliga uu Qaraxa dhacaayay ayaa waxaa goobta ku sugnaa dhalinyaro farabadan oo la sheegay inay la shaqeynayeen maamulka Baydhabo, kuwaa oo uu soo gaaray khasaaro kala duwan.

Waxaa goobta la wareegay Ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo oo iyagu halkaa gaaray Qaraxa kadib waxaana jira khasaaro xoogan.

Maamulka iyo Saraakiisha magaalada Baydhabo ayaa ku howlan baaritaano lagu kala saarayo Khasaaraha iyo sidii ay u soo qab qaban lahaayeen raggii weerarkan ka dambeeyay.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, balse waxaa la soo sheegayaa in uu jiro khasaare kala duwan oo qaraxa ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com