25.7 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Trump oo iska fogeeyey in Mareykanka ay Soomaaliya….

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii meesha ka saaray fikirka ah in militariga Mareykanka ay “boolis” ka noqdaan waddamada Afrika sida Soomaaliya iyo Kenya, hadalladan oo ku soo beegmaya xilli uu isagu hoggaaminayo ololihii duqeymaha cirka ee ugu cuslaa ee Mareykanku taariikhda ka fuliyo Soomaaliya.

“Waxaan dib u soo celinnay mabda’a aasaasiga ah ee ah in difaaca dalka hooyo uu yahay mudnaanta koowaad ee militariga, ahna tan ugu muhiimsan,” ayuu Trump u sheegay boqollaal askari iyo saraakiil sare oo uu Xoghayaha Dagaalka Mareykanka, Pete Hegseth, isugu keenay Saldhigga Ciidanka Badda Mareykanka ee Quantico, Virginia.

“Kaliya tobannaankii sano ee la soo dhaafay ayay siyaasiyiintu si uun u aamineen in shaqadeennu ay tahay inaan “boolis” ka noqonno meelaha ugu fog ee Kenya iyo Soomaaliya, xilli uu Mareykanku wajahayo duullaan,” ayuu madaxweynuhu raaciyay.

Arbacadii, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay inuu fuliyay duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Puntland ee waqooyi-bari Soomaaliya, taasoo uu sheegay in lala beegsaday faraca maxalliga ah ee kooxda Daacish.

Duqeyntan ayaa tirada guud ee weerarrada cirka ee Mareykanka ee Soomaaliya ka dhigaysa 80 tan iyo billowgii sanadkan, iyadoo maamulka Trump uu sidaas ku jabiyay rikoorkii duqeymaha sannadlaha ahaa ee dalka, kaasoo uu isla Trump horey u dhigay 63 duqeymood sannadkii 2019-kii, xilligiisii hore ee madaxtinimada.

Marka la barbardhigo, Madaxweyne Biden wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 51 duqeymood oo ah isku-darka afartii sano ee uu xilka hayay, sida lagu sheegay xog ay soo saartay hay’adda New America oo dabagal ku haysa dagaalka cirka ee Mareykanka. Madaxweyne Obama ayaa isna fuliyay 48 duqeymood siddeedii sano ee uu xafiiska joogay, halka George W. Bush uu fuliyay 12. Xilligiisii koowaad ee madaxtinimada, Trump wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 219 duqeymood.

Dagaalka Mareykanka ee Soomaaliya ku dhowaad wax tebin ah kama helo warbaahinta gudaha Mareykanka, inkastoo ay jiraan duqeymaha joogtada ah ee uu Mareykanku fuliyo. Taliska AFRICOM wuxuu duqeymo la beegsanayay labadaba faraca Daacish ee Puntland, halkaas oo uu ku taageero ciidamada deegaanka, iyo sidoo kale Al-Shabaab oo ku sugan gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya.

Ka dib markii uu Trump ku soo laabtay xafiiska sannadkan, wuxuu debciyay xayiraadihii saarnaa duqeymaha cirka iyo weerarrada dhulka, isagoo taliyeyaasha heerka hoose siiyay xorriyad ballaaran oo ay uga hawlgalaan meelaha ka baxsan aagagga dagaalka rasmiga ah ee Mareykanka, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale olole duqeymo culus ah ku qaaday dalka Yemen laga soo billaabo bartamihii bishii Maarso ilaa horraantii Maajo, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 250 qof oo rayid ah, wuxuuna ku guuldarreystay inuu joojiyo Xuutiyiinta, oo si rasmi ah loogu yaqaan Ansar Allah, inay hawlgallo ka dhan ah Israa’iil ka fuliyaan, taasoo jawaab u ahayd dagaalka xasuuqa ah ee ay ku hayso Marinka Gaza.

Marka la eego sida militariga Mareykanka uga firfircoon yihiin Soomaaliya, waxaa cad in aan waxba ka jirin hadalka Trump ee ah in militariga Mareykanka ay “boolis” ama ilaalo ka yihiin Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News