25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Trump oo ku dhowaaqay go’aan guul weyn u ah Syria

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa meesha ka saaray cunaqabatayno dhaqaale oo culays ku hayay Suuriya, isagoo ku doonaya inuu taageero xukuumadda curdanka ah ee Dimishiq, xilli ay ka fiirsanayso soo afjaridda colaadda kala dhaxaysa Israa’iil.

Madaxweyne Trump ayaa Isniintii saxiixay amar fulineed oo si rasmi ah u burburinaya qaybo badan oo ka mid ah barnaamijka cunaqabataynta ee Maraykanku tobannaan sano ku hayay Suuriya, isagoo meesha ka saaraya xayiraado dhaqaale iyo maaliyadeed oo ballaaran oo dalkaas saarnaa.

Amarkan ayaa sidoo kale ilaalinaya cunaqabatayno gaar ah oo lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyihii la riday ee Suuriya, Bashar al-Assad, dadka ku dhow dhow, iyo kooxaha loo aqoonsaday argagixisada. Qaar ka mid ah cunaqabataynta ayaa la khafiifiyay bishii hore, ka dib markii uu Trump ballan qaaday intii lagu guda jiray safar uu ku tagay Bariga Dhexe inuu dalka siin doono “fursad uu ku gaaro horumar weyn.”

Tallaabooyinkan ayaa imaanaya xilli ay Israa’iil iyo Suuriya muddo bilo ah wadeen wadahadallo ku saabsan soo afjaridda colaadda u dhaxaysa labada dal, sida ay sheegeen dad lagu wargeliyay wada xaajoodyada.

Ron Dermer, oo ah la-taliyaha sare ee Netanyahu, ayaa ku sugan Washington si uu ugala hadlo heshiis xiriir rasmi ah ka dhex abuuraya Suuriya iyo Israa’iil iyo arrimo kale, sida ay sheegeen dad lagu wargeliyay safarkiisa.

Suuriya iyo Israa’iil ayaa ahaa cadow iska soo horjeeda tobannaan sano, waxaana dhex maray saddex dagaal oo waaweyn. Netanyahu ayaa qorsheynaya inuu Trump ku booqdo Aqalka Cad 7-da Luulyo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka.

Madaxweyne Trump ayaa Axaddii soo jeediyay in dalal kale ay ku biiri karaan Heshiisyada Ibraahim (Abraham Accords), oo ahaa heshiisyo la gaaray sannadkii 2020-kii xilligii uu xilka hayay, kuwaasoo lagu caadiyeeyay xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo dalal Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraatka Carabta, Baxreyn iyo kuwo kale. Netanyahu ayaa toddobaadkii hore sheegay in dagaalka Iiraan uu u furay fursado ay Israa’iil ku caadiyeyn karto xiriirka dalal kale.

Amarka fulineed ee Trump ayaa sidoo kale u xil saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, inuu dib u eegis ku sameeyo magacaabista Suuriya ee ah “Dal argagixisada kafaala qaada.”

Brad Smith, oo ah ku-xigeenka Xoghayaha ee la-dagaallanka Argagixisada iyo Sirdoonka Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka (U.S. Treasury), ayaa yiri, “Tallaabooyinka maanta la qaaday waxay soo afjari doonaan go’doominta dalka ee nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah, iyagoo u gogol xaaraya ganacsi caalami ah iyo dhiirigelinta maalgashi uga yimaada dalalka deriska la ah ee gobolka, iyo sidoo kale Maraykanka.”

Bishii hore, Midowga Yurub ayaa si la mid ah u qaaday cunaqabatayno kala duwan oo saarnaa Suuriya.

- Advertisement -

Read more

Local News