Minneapolis (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu si degdeg ah u joojinayo badbaadada ku meel gaarka ah ee ka hortagga musaafurinta ee Soomaalida ku nool Minnesota, isagoo soo dedejinaya dhammaadka barnaamij soo billowday 1991-kii xilligii madaxweyne kale oo Jamhuuri ah.
Trump ayaa sheegay inuu baabi’inayo sharciga Temporary Protected Status (TPS) ee Soomaalida sharci-darrada ku jooga Mareykanka ka bad-baadinaya in la tarxiilo.
“Kooxo burcad Soomaali ah ayaa argagax ku haya dadka Gobolkaas weyn, waxaana la la’yahay balaayiin doollar,” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay barta Truth Social xilli dambe oo xalay ah, isagoon bixin faahfaahin dheeraad ah ama caddeymo.
“Anigoo ah Madaxweynaha Mareykanka, waxaan halkan ku joojinayaa, laga billaabo hadda, badbaadada ay Soomaalida Minnesota ku haystaan Temporary Protected Status (TPS Program),” ayuu yiri.
Trump ayaa ku tilmaamay Minnesota “xarun laga sameeyo dhaq-dhaqaaqyo lacago lagu dhaqo oo been abuur ah” inta uu Guddoomiyaha ka yahay Tim Walz oo Dimoqraadi ah.
Tallabada Trump ayaa u muuqatay jawaab ku socota warbixino aan la xaqiijin oo ay warbaahinta garabka midig qortay, kuwaas oo ay sii faafiyeen sharci-dejiyayaal Jamhuuri ah, taasoo sheegaysay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay ka faa’iideysteen wax-is-daba-marin lacag oo ka dhacday Minnesota.
Walz ayaa uga jawaabay barta X, isagoo yiri: “Ma ahan wax lala yaabo in Madaxweynuhu doortay inuu si guud u beegsado bulsho dhan. Tani waa waxa uu sameeyo si uu u beddelo mawduuca.”
Barnaamijka TPS ee Soomaalida waxaa daahfuray Madaxweyne George H.W. Bush bishii Sebteembar 1991. Wuxuu bixiyaa badbaado dowladeed oo la siiyo shakhsiyaadka ajnabiga ah ee u qalma, kuwaas oo aan si nabad ah ugu laaban karin dalkooda sababo la xiriira dagaallo sokeeye ama masiibooyin dabiici ah.
Toddobo iyo toban waddan ayaa u qalma barnaamijkan, laakiin maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay inuu joojinayo TPS ee dhowr waddan, oo ay ku jiraan Venezuela iyo Nicaragua.
Maamulka madaxweynihii Dimoqraadiga ahaa ee ka horreeyay Trump, Joe Biden, ayaa kordhiyay ogolaanshaha Soomaalida ilaa 17-ka Maarso, 2026. Inta badan Soomaalida Minnesota waa muwaadiniin Mareykan ah, waxaana jira oo kaliya 705 qof oo ku dhashay Soomaaliya guud ahaan ooo haysta maqaamka TPS, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Adeegga Cilmi-baarista Koongareeska (Congressional Research Service) oo ah hay’ad aan dhinacna raacsanayn.
Marka la barbar dhigo, in ka badan 330,000 oo u dhashay Haiti ayaa haysta TPS, iyo sidoo kale in ka badan 170,000 oo qof oo ka yimid El Salvador.
Jaylani Hussein, oo ah agaasimaha fulinta ee Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka (Council on American-Islamic Relations) ee Minnesota, ayaa sheegay in go’aanka Trump uu yahay mid laga xumaado marka la eego in Soomaalida ay arrintani khuseyso ay yihiin soo-galooti sharci ah. Wuxuu intaas ku daray in tallaabada Trump ay kala geyn karto qoysas.
“Kuwani waa soo-galooti sharci ah, mana aha inay dhibaato kala kulmaan cayaar siyaasadeed oo lagu beegsanayo bulshada Muslimiinta. Dadkani waxay u hoggaansanaayeen sharciga,” ayuu yiri.
Abshir Omar, oo ah khabiir istiraatiijiyadeed dhanka siyaasadda ah, kaas oo taageeray Trump doorashadii madaxtinimada ee 2024, ayaa sheegay inuu filayo in go’aanka looga dacwoodo maxkamad.
Wuxuu sheegay in tallaabadani ay dhaawici karto xiriirka dhaqaale iyo midka istiraatiijiyadeed ee muddada dheer kala dhexeeya Soomaaliya, taasoo bishii Maarso u soo bandhigtay Mareykanka maamulka gaarka ah ee saldhigyada cirka iyo dekedaha, islamarkaana muujisay xiisaha ay u qabto iskaashiga shirkadaha Mareykanka si ay u baaraan keydkeeda saliidda ee baaxadda leh.

