Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa qaylo dhaan afka furtay, isaga oo dhaleeceyn xooggan u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.
Farmaajo ayaa marka hore ka horyimid tallaabo ay maanta dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Cabdirisaaq Nuur Xalane oo lagu xiray garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli uu doonayay inuu ka dhoofo.
Xalane ayaa maalmihii u dambeeyay aad u dhaliilayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, taas oo lala xiriirinayo xarigiisa.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in xarigga nabadoonka uu yahay shacri darro, isla markaanaa uu muujinayo in dowladdu ay kasii baxayso xeyndaabka sharciga, sida uu hadalka u dhigay.
“Xarigga sharci darrada ah ee lagula kacay Nabaddoon Cabdirisaaq Nuur Xalane waxa uu muujinayaa sida dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay u sii xulayso jid ka fog sharciga, awoodda dowladdana ay uga dhigtay mid lagu caburiyo haldoorka bulshada ee ka dhiidhinaya barakicinta dadka danyarta ah” ayaaqoraalkiisa ku yiri Maxamed Farmaajo.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in dowladdu ay kasoo horjeedo isla-xisaabtanka, cadaaladda iyo dowlad-wanaagga, isagoo dhanka kale ku baaqay in la daayo nabadoonka.
“Annagoo garowsan in xariggan sharci darrada ah uu muujinayo sida dowladdan ay uga soo horjeeddo isla-xisaabtanka, cadaaladda iyo dowlad-wanaagga, waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah xabsiga looga siidaayo Nabaddoonka, loona fasaxo safarkiisa laga xannibay”. ayuu kusii daray.
Sidoo kale wuxuu mar kae yiri Farmaajo “Waxaan bogaadinaynaa dhammaan haldoorka u istaagay danta guud, u doodista xuquuqda dadkeenna la barakicinayo iyo dowlad wanaagga, taas oo aasaas u ah in la helo dowlad aamin ah oo daryeesha shacabkeeda”.

