Trump oo markale maxkamad la soo taagay – Ma qirtay dembiyada loo haysto?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda Maraykanka ee Washington, si wax looga weydiiyo eedo loo soo jeediyey.

Eedeymahan ayaa la xidhiidhay inuu isku dayay inuu hor istaago natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, kadib markii lagaga adkaaday.

Donald Trump ayaan wax dembiya qiranin oo ku aaddan eedaha loosoo jeediyey, kuwaasi oo ahaa eedihii ugu horreeyey ee heer federaal ah oo lagu soo oogo, iyada oo loo haysto “isku day fashilmay oo la doonayey in lagu hor istaago in xukunka si nabad ah loo kala wareejiyo.”

Trump ayaa ka soo hor-muuqday maxkamad heer federaal ah oo ku taalla Washington DC, laba maalmood uun ka dib markii afar eedood oo cusub uu ku soo oogay Jack Smith oo ah Garyaqaanka Gaarka ah ee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka.

Trump ayaa lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu leexiyo rabitaanka cod-bixiyayaasha si uu uga hortago guusha xisbiga dimoqraadiga gaar ahaan Joe Biden.

Bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ayaa waxay taageerayaal cadhaysani xoog gudaha ugu galeen golaha baarlamaanka ee Mareykanka, iyaga oo isku dhacay laamaha ammaanka.