TRUMP oo markale weerar ku qaaday Ilhaan Cumar

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa markale weerar hor leh ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congresska dalkaasi, taas oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka ku soo food leh Mareykanka.

Trump ayaa sheegay inuu aqriyey wrbixinada Ilhaan Cumar ee labadii sano ugu dambeysay, islamarkaana ay ku jiraan qaladaad badan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay tahay Ilhaan qof musuq-maasuq badan, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu rajeynayo in arrintaasi uu soo faro-geliyo xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi.

“Maxaa ka khaldan Ilhaan Cumar? waxaan rajeynayaa in hawshan uu soo faragelin doono Xeer ilaaliyaha guud, Waxaan aqrinayay warbixinnadeeda muddo labo sano ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inoogu sheegeysaa sida dal loo maamulo? Waa maxay waxa ay samaysay qofkii ay reer Minnesota doorteen, maxaa baas ee idin ka khaldan dadyahow.” ayuu Trump.

Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweyne Trump & Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka ayaa sii xoogeystay muddooyinkii u dambeeyey xilli Mareykanka uu isku diyaarinayo doorashooyin, waxaana Ilhaan jawaabtii ugu dambeysay ee ay ka bixisay hadallada Trump ugu u yeertay inuu yahay ‘cunsuri’.